Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux ayaa lagu dilay weerar ku qaadeen deegaan ku yaalla xeebaha Kenya oo ku dhow degmada Mpeketoni oo toddobaad ka hor lagu dilay in ka badan 63-qof oo Kenyan ah.
Saraakiil Kenyan ah ayaa sheegay in kooxahan hubeysan ay weerareen Witu oo 15-km u jirta deegaanka Mpeketoni. Iyadoo aysan weli jirin cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas.
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarradii is-xigay ee lagu qaaday Mpeketoni oo ku dhow jaziiradda Lamu, balse madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xusay in weerarkaas ay abaabuleen shabakaddo siyaasiyiin ah oo ku nool Kenya.
Guddoomiyaha Lamu, Stephen Ikua ayaa xaqiijiyay in kooxahan hubeysan ay xalay weerareen deegaanka Witu. Iyadoo kooxihii weerarka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.
“Kooxaha weerarka soo qaaday waxay adeegsadeen hubka fudud iyo mid culus, dadkii ku dhaawacmayna gurmad ayaa loo fidiyay,” ayuu caaqli Kaviha Charo Karisa oo ka mid ah kuwa deegaanka u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii Mpeketoni kaddib inay jiri doonaan weerarro kale oo ay ka geysan doonaan Kenya, haddii Kenya aysan si dhaqso ah ciidamadeeda ugala bixin Soomaaliya.
Xukuumadda Kenya ayaa uga digtay dadka daawada ciyaaraha adduunka inay isugu tagaan meelaha waaweyn si aan loo weerarin, maadaama weerarkii hore ee ka dhacay deegaanka Mpeketoni dadkii lagu dilay ay intooda badan ahaayeen kuwo daawanayay ciyaaraha adduunka.
Hay’adda bisha case e Kenya ayaa sheegtay inay u dhistay 600 oo guri dadkii ka cararay deegaanka Mpeketoni, kuwaasoo ka baqdin qaba in weerarro kale lagu soo qaado deegaankaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya