Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saartay kusoo dhaweyay aqoonsiga la aqoonsaday maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol ka kooban, kuwaasoo kala ah; Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay cadaynayso dhismaha maamulka ka kooban saddexda gobol inuu dhiirri-galin u yahay sii socoshada hannaanka nidaamka fedaraalka ah ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.
“Puntland waxay mar walba soo dhaweynaysaysaa nidaamka federaalka ah ee ku imaanaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed inuu ka hirgalo gabi ahaanba Soomaaliya, si loo helo xasillooni iyo nabad-gelyo waarta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay si buuxda u taageerayso dhismaha iyo hor u socodka maamul-goboleedka Soomaaliya, ayna sidoo kale diyaar u tahay inay gacan ka siino wixii farsmo iyo waayo-aragnimo ah oo ay dheer tahay.
Ugu dambeyn, maamulka Puntland wuxuu sheegtay inay tahay hooyada maamul goboleedyada Soomaaliya iyo hannaanka federaalka ah ayna ugu baaqayso in sida ugu dhaqso badan loo hirgeliyo dhamaman maamul-goboleedyada dhiman.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay shalay inay heshiis dhex-dhigtay maamulladii lixda iyo saddexda gobol ka koobnaa ee lagu dhisay Baydhabo ee gobolka bay, kaddib dadaallo badan oo ay ku bixisay arrintan.
Maamulka lixda gobol ayaa dhankooda sheegay inaysan aqoonsanayn heshiiska la dhex-dhigay labadan maamul, iyagoo sheegay in dhankooda aysan jirin cid uga qaybgashay, balse C/fataax Geeseey oo heshiiskaas saxiixay uu yahay qof shaqsi ah oo aan metelin maamulkooda.
Maxamed Salaad X. Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya