Magaalada Kismaayo: Shan qof oo ku dhimatay Buur kusoo duntay

Khamiis, January 02, 2014(HOL) :- Buur laga qodo carro kaawada loo isticmaalo dhismayaasha ayaa maanta kusoo duntay shaqaalihii ka shaqeynayay, iyadoona ay sababtay dhimashada shan qof.

Shaqaalaha ay buurta kusoo duntay ayaa xilligii uu shilku dhacayay waxa ay rarayeen gaadiid nooca iska rogaha loo yaqaan, waxaana gabi ahaanba ay buurta ka saro martay gaadiidkii iyo dadkii rarayay.

Mid kamid ah gaadiidleyda ka shaqeysa halkaasi oo lagu magacaabo Jooloqo ayaa HOL u sheegay in shan qof oo kamid ah shaqaalihii goobtaasi ka shaqeyay ay ka hoosmareen carrada, waxaana meydadkooda la helay laba kamid ah dadkaasi.

Goobta ayaa waxa ku sugan dadweeyne aad u fara badan, waxaana sidoo kale soconaya dadallo la doonayo in lagu soo saaro meydadka weli ku hoos duugan buurta soo duntay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo goobta gaaray ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dhibaatada maanta ka dhacday halkaasi, iyagoona tacsi u  diray ehellada dadkii ku waxyeeloobay halkaasi.

Masuuliyinta goobta ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha Bulshada Macalim Max'ed Ibraahim, wasiirka arimaha gudaha, Max'ed
Warsame Faarax (Darwiish) iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Jubba.

Buuraha laga qodo carra kaawada ee ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa ah kuwo aad u qatar badan, waxaana marka aad booqato aad arkeysaa shaqaale ku hoos jira buur carro ah oo hoos ka qodan, taasoo halis u ah in ay kusoo dunto.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo shil caykan oo kale ah uu ka dhaco buuraha dhagaxjabinta loo yaqaan ee duleedka Kismaayo, haseyeeshee waxaa jirtay mar sidan oo kale ay buur kusoo duntay shaqaale ka shaqeynayay halkaasi, taasoo ay ku nafwaayeen laba qof.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.