
Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa canbaareeyay qaraxyo khasaare gaystay oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdiho, kuwaasi oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 12 ruux ,isla markaana ay ku dhawacmeen tiro dhan 22 qof oo kale.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif, ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu si kulul uga hadlay qaraxyadaas isaga oo ku sheegay kuwa wax u dhimaya hanaanka nabadeed ee hadda dalku uu marayo.
“Laba gaari ayaa ku qaraxday banaanka hore ee Hotelka Jaziira oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waana ay ku guulaysteen inay fashiliyaan qaraxyadaas, waxaana hadda ay dowladdu la tacaalaysaa dadkii waxyeelladu ay soo gaartay,“ ayaa lagu yiri war-murtiyeedka soo baxay xafiiskiisa.
Sidoo kale Annadif ayaa qaraxyadaasi ku eedeeyay ururka Al-shabaab oo markii danbe boggooda Twitterka ku sheegay in ay ka danbeeyeen, waxaana uu xusay in Midowga Afrika ay ka go;antahay taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya .
“Mujaahidiinta ayaa gaystay falkaas ,waana ay wadayaan weerarada ay kaga soo horjeedaan dowladda iyo ciidamada AMISOM inta ay wadanka guduhiisa joogaan,” ayaa lagu yir qoraalka ay sii daayeen kooxda Shabaab ee ku aadan qaraxyadaas.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo arxan-darro ah isagoo u hambalyeeyay ciidamada dowladda oo uu sheegay inay ku guuleysteen yaraynta khasaaarihii ka dhashay weeraradaas.
Ugu dambeyb, sannadkii 2012-ki bishiisi 12-aad Al-shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen hoteelka Jazeera, waxaana xilligaas Hotalka ku suganaa madaxweynaha Somalia oo muddo kooban ka hor loo doortay in Soomaaliya madaxweyne ka noqdo.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]