Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu fashilmay ee xalay lagu qaaday hoteel Jasiira inuu ahaa mid fulaynimo ah, liddina ku ah diinta Islaamka, siina xoojinaya xiriirka u dhexeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah uga guulaysan doona argagixisada.
Mudane C/weli Sheekh ayaa ku ammaanay ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka deg-degga ah sidii ay uga hortageen weerarradaas, iyo sidii ay ugu gurmadeen shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ku qabsatay, Waxaana uu ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh la qaybsaday eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen, wuxuuna ilaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay.
“Weerarrada ay soo qaadayaan Al-shabaab sida kii ay ku hungoobeen ee xalay lagu qaaday hoteel Jasiira waxay xoojinayaan go’aankeenna ah inaan cirib-tirka argagaxisada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli.
Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Dalku wuu soo hagaagayaa, dawladdu way jiri doontaa, dadka Soomaaliyeedna way noolaan doonaan laakiin kuwa naf-lacaariga ah iyagaa laga guulaysan doonaa, meel kasta oo ay joogaanna waan ku baacsan doonnnaa.”
Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa intaasi ku daray in argagixisadu ay cadow ku tahay nolosha shacabka iyo horumarka dalka. “Soomaaliya waxay horay ugu socotaa dawladnimo iyo horumar ay qayb ka yihiin shacabka oo kasoo gudbay dhibaatooyin aad u badan oo dalka ku dhacayay waqti dheer, kuwa kusoo duulay dalka iyo dadka waxay shacabka ka kasbanayaan cadawnimio.”
Weerarradii lala beegsaday hotel Jasiira oo ahaa kuwo is-miidaamin ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 11-qof, kuwaasoo ay ku jireen laba sarkaal oo kala ahaa taliyeyaasha saldhigyada booliiska Wardhiigley iyo Shangaani.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay weeerarkaas iyadu ka dambeysay ayna ku dishay tiro ka mid ah saraakiisha ciidanka booliiska iyo kuwa nabad-sugidda Soomaaliya, waxayna Al-shabaab ku hanjabtay inay weeraro kale ka geysanayso Muqdisho.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya