
Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) — Tababbar lagu baranayay sidii loo sameyn lahaa qorshe mideysan ee ku wajahan waxbarashada dadka naafada ah ayaa Talaaado iyo Arbacadii lasoo dhaafay lagu qabtay hotel Mubaarak ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda EFASOM (Education for All Somali) iyo iyo hay’adda Global Campaign for Education (GCE) ayaa waxay sheegeen hay’adahan inuu yahay mid kor loogu qaadayo waxbarashada dhallinyarada iyo carruurta naafada ah.
Tababbarka ayaa waxaa ka qaybgalay 25-qof oo ka kala socday wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya, dalladdaha waxbarashada ee FPENS, FENPS, SOFEL, SOFEN, SEDA, SAFE, GHEN, ururrada bulshada rayidka ah, ururada dhallinyarada, haweenka, dadka naafada ah iyo ururro caalami ah sida UNICEF.
Dhamaadka tababarkan oo socday laba maalmood ayaa gunaanadkii waxaa laga soo saaray ballan-qaadyo, war-saxaafadeed iyo baaqyo loo jeedinayo dhammaan wax-garadka dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo ku aafdan sidii loo sameyn lahaa qorshe dhameystiran oo ku aadfan in taageero la siiyo dadka naafada ah; gaar ahaan dhinaca waxbarashada si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.

Agaasimaha xafiiska dalladaha wasaarada waxbarasha, Daa’uud Maxamed Makaraan iyo mas’uul ka tirsan hay'adda UNICEF, Maxamud Xaashi ayaa waxay labaduba sheegeen muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeedsto gacansiinta waxbarashada dadka naafada ah.
Sidoo kale, Aadan Maxamed oo ah isku-duwaha hay’adda EFASOM oo hadal ka jeediyay tababarka ayaa sheegay in loo baahan yahay bahda waxbarashada dalka ay u garab istaagi lahaayeen waxbarashada naafada.
Wuxuu intaa ku daray inuu rajeynaayo in qaybaha kala duwan ee bahda waxbarashada ka qayb-gashay tababaarka laga heli doono ballan-qaad, war-saxaafadeed, iyo baaqyo loo jeedinayo dhammaan waxgaradka shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka sidii gacan wax ku ool ah loo siin lahaa waxbarashada dadka naafada ah, loona soo saari lahaa qorshe mideysan oo ficil ahaan wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed oo naafada ah.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya