Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Max'ed Cali Gaas ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc lagu casriyeynayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, kaasoo ay fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC.
Xaflad lagu qabtay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan Puntland, waxgarad, aqoonyahanno, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, saraakiil ka socotay hay’ada UNOPS, wafdi ka socda dowladda Jabuuti, xildhibaanno baarlamaanka Puntland iyo kan dowladda federaalka ah ka socday iyo xubno beesha caalamka ka socday.
Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in maanta billaabanayo dhismaha garoonka Boosaaso, kaasoo laga dhigayo mid caalami ah oo la jaanqaada garoomada diyaaradeed ee ku yaalla caalamka.
“Horumarka ay shacabka Puntland ka istaahilaan dowladda waxaa ka mid ah inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan; haddii Puntland aysan lahayn kaabayaal dhaqaale horumarka aan u baahannahay ma gaari karno,” ayuu yiri Gaas.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Qofka Puntland imaanaya wuxuu marka hore eegayaa badeecadiisa halka uu ka dhoofsanayo, marka waxaanu u baahannahay inaan u abuurno ganacsatadeenna awooddii ay halkaan ku maal-gashan lahaayeen.”
C/weli Gaas ayaa xusay inay qurbo-joogta Puntland ay u suurogeliyaan inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda, sidoo kalena dalalka dariska ahna ay ku sameystaan Puntland maal-gashi caalami ah; si shacabka Puntland ay u helaan faa’iidooyin badan oo aysan hadda haysan.
“Puntland lama maal-gashan karno haddaanay lahayn garoomo iyo dekedo laga dhoofin karo macdanteenna, kalluunkeenna iyo aar-goosatadeenna,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha maamulka Puntland.
Khudbadda Gaas oo ahayd mid aad u dheer ayuu mar kale ku yiri. “Waa inaanu nabadgel-yada hagaajinnaa, waayo hadaadan nabad haysan cidna nooma imaan karayso, garoon baan hadda dhisanaynaa dadka Boosaaso iyo kuwa Puntland dhammaantood waxaan ka rabnaa in hay’adda mashruucan fulin doonta oo 24-ka saac shaqaalaheedu shaqeynayaan inay naga helaan soo dhaweyn fiican iyo nabad-gelyo wanaagsan.”
Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa doorashada kaga qayb-galayay inuu wax ka qabanayo waxyaabaha sahli kara in Puntland ay horumar dhaqso ah ku tallaabsato haddii uu xilka madaxnimo ku guuleysto, wuxuuna guul ka gaaray doorashadii madaxweynenimo ee horraantii sannadkan ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
















