
Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidamadu AMISOM kaga sugan yihiin Somalia ayaa sheegay in howlgalkooda ugu weyn uu yahay sidii ay waddooyinka u furi lahaayeen, si shacabka gobollada ku yaalla Koonfurta Somalia loo gaarsiin lahaa gargaarka bani’aadamnimo.
Xasan Dharaar Hufane ayaa sheegay in howlgalkan oo nabad ilaalin ah ay ka tahay qayb sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay Somalia kaga sugan tahay si shacabka loo caawiyo, una helaan nabadgalyo waarta.
“Howsheenna ugu weyn waa in la furo waddooyinka dadka shacabka ah loo marin lahaa gargaraka bani’aadamnimo ee ay u baahan yihiin, gaar ahaan dhulka ku yaalla Koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri Hufane oo sheegay inay ku guuleysteen in deegaanno badan ay Al-shabaab ka saaraan.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa isaguna dhankiisa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay fureen waddooyin gargaarka loo mariyo shacabka ku nool deegaannadii ay Al-shabaab ka talin jirtay iyo kuwii ay go’doonka horay u geliyeen.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Burundi iyo Sierra Leone ayaa ka howlgala gobollo badan oo Soomaaliya ku yaalla, iyagoo bilihii lasoo dhaafayna ku guuleystay inay Al-shabaab ka saaraan deegaanno ay ka mid tahay degmada Baraawe oo u ahayd xarun weyn.
Qaramada Midoobay ayaa dhawaan muddo hal sano ah ku dartay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya gacan uga siiyaan inay ku guuleysato sidii ay gua saari lahayd deegaannada ay weli ku sugan tahay Al-shabaab oo muddo sannado ah dagaal kula jirta dowladihii Soomaaliya soo maray.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka gaashaandhigga Jabuuti ayaa ku soo beegamaya xilli dowladda Mareykanak ay ka digtay weerarro argagaxiso oo ay Al-shabaab ka geysato qaybo ka mid ah dalka Jabuuti.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya