Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo la kulmay Madaxda dalka (SAWIRRO)


Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Kuwait, Sh. Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay madaxda dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Kulanka kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id oo wadajira ah qatay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiniciisa uu taagnaa ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed iyo wasiirka arrimaha dibadda Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid iyagoo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay kawada hadleen.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah uu ugu ammaanay dalalka Carabta sida safaaradahooda ay ugu shaqeeyaan dalka, isla markaana ay u degen yihiin xaafadaha Muqdisho.

“Waxaa kulankeenna qayb ka ahaa wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo dowladaha Carabta, sannadka cusubna waxay Jaamacadda Carabtu shir u qaban doontaa Soomaaliya, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska,” ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare ku xigeenka Kuwait ayaa isna dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Muqdisho ay soo booqdaan diyaarna u yihiin inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Wafdigan ayaa kasoo kicitimay magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan, waxaana xubnihiisa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Mauritania, Ahmad Ould Tegeude iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmo ka hor waxaa yimid wafdi hordhac u ahaa wafdigan ka socda Jaamacadda Carabta, kuwaasoo sheegay inay madaxda Somalia kala hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya