Al-shabaab oo sheegatay weerarkii lagu dhaawacay xildhibaan Mustaf Mayow


Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu qaaday maanta gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dilay saddex qof oo uu ka mid ahaa xildhibaan hore oo lagu magacaabi jiray, Liibaan C/llaahi Nuur.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo gaari yar watay, kuwaasoo rasaas ku furay gaarigii ay xildhibaanka iyo ilaaladiisu ay wateen, xilli uu marayay waddada Via Rome ee degmada Xamar weyne.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay AFP ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeeyeen ayna dhaawac ugu geysteen xildhibaan Mustaf Mayow.

“Waxay sheegtay dowladdu in Al-shabaab ay Muqdisho ka sifeysay, tanina waa mid aan ku tusaynay inaan wali joogno Muqdisho oo aan dhaq-dhaqaaq xooggan ka wadno,” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ciidammo nabadsugidda ka tirsan eryadeen kooxihii weerarka geystay, balse ay galeen degmada Dayniile, iyagoo xusay inay suurogeli wayday in la qabto.

Kooxahan iyo ciidamada nabadsugidda ayaa waxaa dhexmaray iska-horimaad kooban oo sababay dhaawaca afar ka mid ah ciidamada nabadsugidda, iyadoo sidoo kale kooxahan ay bambaano soo tuureen intii ay eryanayeen ciidamada, taasoo sababtay dhaawacyada afar qof oo shacab ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Al-shabaab weerarro kala duwan ka wadday Muqdisho, kuwaasoo uu ka mid ahaa qarax ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dowladda iyo AMISOM ay sheegayeen inay Al-shabaab kaga guuleysteen dagaallada ay kula jiraan.

Tan iyo billowgii sannadkan illaa shan xildhibaan ayaa siyaabo kala duwan loogu lagu dilay Muqdisho, iyadoo ay sii socdaan weerarrada Al-shabaab ay la beegsanayso xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyadoo bishii lasoo dhaafay uu weerar isku-day dil ahaa uu ka badbaaday xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya