4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shaaciyay Xilliga ay ku Eg-tahay Soo Gudbinta Musharrixiinta Ururada Siyaasadda


Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyey xilliga ay ku egtahay soo gudbinta musharrixiinta ururada siyaasadda uga qayb geli doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo socda.

Gudoomiyaha guddiga Prof. Maxamed Xasan Barre oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xaruntooda magaalada Garoowe, ayaa sheegay in 11-ka bishan socota ee May, ay tahay maalinta ugu danbeysa ee lasoo gudbin karo araajida musharrixiinta.

Isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri: “Bisha socota ee May 11-keeda waxaa ku eg qabashada araajida musharrixiinta, dhamaan ururada siyaasadda ee daneynaya doorashada, waxan ku wargelinaynaa in ay arintaas fiiro gaar ah u yeeshaan”

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu socdo dadaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa maxkamadda dastuuriga ah, arintaas oo ay horay cabasho uga mujiiyeen qaar kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland.

“Waxaa madaxweynuhu nagu soo wargeliyey in gacanta lagu hayo sharcigii lagu dhisi lahaa maxkamadda dastuuriga ah, dhowaanna loo gudbin doono golaha xeer dejinta, waxaana qorshuhu yahay in maxkamadaas la dhiso doorashada kahor” Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa yiri.

Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland –oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah- oo xilliga la shaaciyey in ay qbasoomi doonto ay muddo koobani ka harsan tahay, waxaa qaadacay saddex kamid ah lixda urur-siyaasadeed ee ay guddiga doorashooyinku aqoonsan yihiin.

Ururada sheegay in aysan doorashada ka qayb geli doonin ayaa kala ah: MIDNIMO, UDAD iyo HORCAD. Inkasta oo sababaha ay doorashada ku qaadeceen ay kala duwan yihiin, waxay hadana ka mideysan yihiin qodobka ah: in la sameeyo maxkamad dastuuri ah; taasoo ay sheegeen in la’aanteed aysan doorashadu noqon karin mid xalaal ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya