4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
RA'IISUL WASAARE SAACID: "Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay ma hakin doono howlaha Dowladda"


Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraxa Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhaleeceeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Qaraxii Ismiidamainta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-4 oo ah midka ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa w axaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab iyadoo ay weerarka ku dhinteen 12-qof, tiro ka badan 25-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii muwadiinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo kasoo horjeeda nolosha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku yiri warsaxaafadeed xafiiskiisa kasoo baxay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan ismiidaaminta ah lala beegsaday gaariga uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo waday wafdi ka socday dalka Qatar uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dowladda iyo isku socodka dadweynaha Muqdisho.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka shacabka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha Soomaaliya u sheegayaa inaan u taagannahay difaacooda xilli kasta aana xooji doonno amniga guud,” ayuu mar kale yiri Saacid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummadda laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee am waxba galabsan isagoo intaas ku daray in maalin uun sharciga ay horimaan doonaan kuwa ka dambeeya falalka lagu waxyeeleynayo shacabka.

“Majirto cid ay dambi ka galeen dadka lagu xasuuqay Muqdisho ee ay ka mid ka aheeyeen hooyada iyo ilmaha ay xanbaarsanayd. Xaqiiqo ahaan waa arrin murugo leh ayna tahay inaan dhammaanteen meel uga soo wadajeesano cidda gaysatay ee la hubo inay kuwo kale sii abaabulayaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wafdigii u dhashay dalka Qatar oo ka koobnaa laba xubnood ayaanay jirin wax kasoo gaaray weerarka, iyagoo isla shalay gellinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana weerarkan uu ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho bishan May.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya