3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta Gaaray Magaalada London ee Dalka Ingiriiska

Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee xarunta dalka Britain, halkaasoo uu maalinta berri ah ka furmayo shir loo qabanayo Soomaaliya, si yabooh dhaqaale loogu ururiyo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee London ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain iyo Soomaalida ku nool dalkaas, iyadoo la geeyay halkii loogu talogalay inay dagaan.

Xubnaha madaxweynaha safarkiisa ku wehliya wasiirro ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga iyo wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax C/qaadir iyo howlwadeenno kale.

Guddiyo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo Britain ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen London maanta kaga hadlay sida uu u qabsoomi karo shirka loo qabanayo Soomaalida, kaasoo qodobbo badan looga hadli doono.

Shirkan ayaa waxaa wadajir ah u guddoomin doona madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron iyadoo qodobbada looga hadli doono ay ka mid yihiin sidii caalamka uu uga caawin lahaa dowladda Soomaaliya dib u dhiska dalka iyo soo celinta amniga.

Waxaa kaloo lagu soo qadi doonaa shirka tacdiyada xuquuqda Aaadanaha ee ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kufsiga oo noqday arrin si weyn looga hadal-hayo dunida oo dhan, iyadoo dowladda Britaina ay sheegtay in kufsiga uu yahay muhiimadda ugu weyn ee shirka looga hadli doono.

Madax ka kala socda 50-dowladooda oo caalamka iyo ururrada sida UN-ka, AU-da, EU-da iyo kuwo kale oo caalami ah ayaa ka qaybgalaya shirkan oo ah kii labaad oo Soomaalida loogu qabto magaalada London ee dalka Britain.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/6/2013 9:37 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyey xilliga ay ku egtahay soo gudbinta musharrixiinta ururada siyaasadda uga qayb geli doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo socda.

5/6/2013 9:13 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan wafdi ballaaran oo ka socday hay'addaha samafalka QM.

5/6/2013 9:03 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Dowladda Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ay Al-shababa kula beegsatay Muqdisho samafalayaal dalkeeda u dhashay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka Qatar.

5/6/2013 8:43 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Waxaa dhawaanaha gobolka Bakool ka socday dagaal ay ciidamada dowlada kula jireen xoogaga Al-shabaab, kuwaasoo ay ku qabsadeen tuulooyinka kala ah: Garas-weyne, kulan-jareer, Ceel-garas iyo Gubate, iyagoo deegaannadasa isaga baxayay markii saacado joogaan.

5/6/2013 8:13 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa dib u xiray jidadka waaweyn ee Muqdisho, maalin kaddib markii uu isgoyska KM-4 ka dhacay weerar ismiidaaminta ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

5/6/2013 8:08 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso laga soo dejiyey sagaal maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo horay maxkamad ku taalla dalka Seychelles ay ugu xukuntay falal lala xiriira burcad-badeednimo.

5/6/2013 3:23 AM EST
Isniin, May 06, 2013(HOL) :- Dagaalyahanno katirsan xarakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose, iyadoona weerarkaasi uu ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

5/6/2013 1:40 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Barnaamijkan loo bixiyey FAGAARAHA oo ah mid soo socday bilihii ugu dambeeyey, kana billowday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, ayaa lagu jeex-jeexaa mowduucii xiligaasi bulshada dhex-deeda saameyn muuqata ku leh, iyadoo la isku weydiiyo su’aalo badan, si loo curiyo jawaabo caqli-gal ah oo dawo u noqon-kara mushkiladda laga hadlayo, waxaana tododobaadkaan qeybtaan oo ahayd tiisi afraad lagu gorfeeyey nidaamka federalism-ka iyo sida Soomaaliya uu uga dhaqan-geli karo.

5/6/2013 12:28 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraxa Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhaleeceeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.