4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Puntland oo Walaac ka Muujisay in Soomaaliya laga qaado Cunno-qabateynta Hubka ee saaran Muddada dheer


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Puntland oo maanta isugu yimid kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ammaanka, xaaladda abaaraha iyo maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Fadhiga golaha wasiirada ee maanta oo uu shir gudoominayey madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamed Cali Shire, waxaa sidoo kale lagu soo qaaday qorshaha uu Maraykanku hormuudka u yahay ee la doonayo in cuna-qabateynta hubka looga qaado Soomaaliya.

Waxaana dood dheer oo goluhu uu arintaas ka yeeshay kaddib, ay isku raaceen in tallaabadaasi ay tahay mid aan xiligan munaasib ahayn, islamarkaana ay khatar badani ka dhalan karto.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo  kulanka kaddib la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa ka warbixiyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee lagu soo qaaday.

Wuxuuna sheegay in arimaha sida weyn diiradda loo sooray ay ugu muhiimsanaayeen qorshaha uu golaha ammaanku kaga fiirsanayo in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo in kale.

Isagoo tilmaamayey mowqifka Puntland ee arintaas ku aadan waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

“Dalka xilligan dowlad ka wada arimisaa kama jirto, mana leh ciidamo xooggan oo dalka oo dhan ka howlgala, sidaas darteed waxaa suurtagal ah in haddii xilligan cuna-qabateynta la qaado uu hubku gamco khaldan galo”

Dhinaca kale, waxaa fadhiga todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada Puntland ee maanta si weyn loogaga hadlay qorshaha maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaana lagu taageeray shirka xilligan magaalada Kismaayo ka socda, iyadoo dowladda Federaalka ahna uu goluhu u diray baaq ku aadan in ay joojiso faragelin -la sheegay inay ku hayso-  qorshaha ay gobolladaasi maamulka ku sameysanayaan.

Hadalka Puntland kasoo yeeray ee ku aadan qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu maanta yeelanayo fadhi uu go’aan kaga gaarayo in cuna-qabateynta hubka Soomaaliya laga qaado iyo in kale.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya