3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay dhallinyaro ku Eedeysan inay ka Tirsanaayeen Al-shabaab [SAWIRRO]


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag-  ayaa maanta xukun ku riddey sadex nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Eedeysaneyaasha maanta la xukumay oo ay da’doodu  ka yartahay 20-sano, islamarkaana maxkamadda horteeda ka qirtay denbiga lagu soo eedeeyey, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna tilmaamay in xukunkani uu yimid kaddib markii la dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen.

“Maxakamaddu markii ay dhegeysatey eedda xafiiska xeer ilaalinta…difaaca qareenka…iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen..maxakamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah” Guddoomiyaha maxkamadda ayaa yiri.

Sadexda qof ee maanta ay maxkamaddu dilka ku xukuntay ayaa kala ah:

  1. Aadan Maxamed Nuur  19-jir
  2. Cabdirisaaq Axmed Sheekh  18-jir
  3. Cali  Maxamuud Cilmi  19-jir

Xukunkan ayaa noqonaya kii 3-aad ee noociisa ah, kaas oo muddo todobaad gudihiis ah ay riddo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyadoo tirada ilaa iyo hadda dadka dilka lagu xukumayna ay tahay 17-qof.

Waa markii ugu horeysey oo ay maxkamaddu muddo kooban tiro intaas le’eg oo dad ah ay dil ku xukunto, arintan oo ay shacabku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
3/5/2013 3:38 PM EST
Talaado, March 05, 2013(HOL): Munaasabad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa lagu qabtay magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

3/5/2013 1:08 PM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta booqday goob maqaaxi ah oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ku geeriyoodeen, kuwaasoo kala ahaa: Yuusuf Mire Seeraar iyo C/weli Ow-Maxamuud, kadib markii qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay 02, May 2012, xilli ay halkaas xildhibaannadu u joogeen howlo shaqo.

3/5/2013 12:51 PM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay caawa telefishinka Al-jazeera, isagoo markii dambena su’aalo uga jawaabay dadkii dhageysanaya khudbadiisa.

3/5/2013 12:48 PM EST
Tuesday, March 05, 2013 (HOL) - Xilli la sugayo natiijada doorashada ayaa daqiiqado ka hor waxaa xaafada Islii ka dhacay labo qarax oo is daba joog ah.

3/5/2013 11:29 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, wasiirada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

3/5/2013 10:51 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Puntland oo maanta isugu yimid kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka, xaaladda abaaraha iyo maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

3/5/2013 8:59 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay gurigiisa ka kaxaystay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Nuur Shacbaan oo 20-jir ahaa iyagoo toogtay markii ay guriga u jirsadeen hal KM, iyadoo ku dhuftay rasaas badan oo keentay in lagu aaso halkii lagu dilay.

3/5/2013 7:12 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah ardayda dugsiyadda sare ee magaaladda Hargeysa.

3/5/2013 7:08 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhintay qarax weyn oo shalay gellinkii dambe si lama filaan ah uga dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, iyadoo aanay jirin wax war ah oo Al-shabaab kasoo baxay.

3/5/2013 6:51 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo duleedka degmada Afgooye ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

3/5/2013 5:05 AM EST
Talaado, March 05, 2013(HOL) - Uhuru Kenyatta ayaa wali hogaaminaya doorashada, isagoo helay 54% codadka la tiriyay oo gaaraya 4 milyan oo cod.

3/5/2013 2:11 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Tirinta doorashooyinka madaxnimo ee dalka Kenya ayaa waxaa weli ku horreeya Uhuru Muigai Kenyatta oo u tartamaya isbahaysiga Jubilee, iyadoo uu ku xigo ra’iisul wasaarihii Kenya, Raila Amollo Odinga.

3/5/2013 1:28 AM EST
Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu digtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay cunno-qabteynta hubka ee 21-ka sano saaran Soomaaliya ay ka qaadaan, taasoo xubnaha goluhu ay qorsheynayaan inay go’aan ka gaaraan berri oo Arbaco ah.