Talaado, March 05, 2013 (HOL) - Xilli la sugayo natiijada doorashada ayaa daqiiqado ka hor waxaa xaafada Islii ka dhacay labo qarax oo is daba joog ah.
Waxaana qaraxyadan lala beegsaday goob qamriga lagu cabo oo ku taal agagaarka masaajidka al-Hidaaya ee xaafada Islii.
Goob jooge halkaas ku sugan ayaa Hiiraan Online u sheegay in qaraxyadu ay dhaceen xilli dadku ay kasoo baxeen salaadii cishaha.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan.
Waxayna qaraxyadu ku soo beegmeen xilli la sugayo natiijada doorashada ka dhacday waddanka Kenya maalintii shalay ahayd.
Wixii soo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeena dambe.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Wardegdeg ah: Labo qarax oo is daba joog ah ayaa laga maqlay xaafada Islii ee magaalada Nairobi
More News
- Wasiiradda Arrimaha Bulshada Somalia Drs. Maryan Qaasim oo la Hadashay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK (SAWIRRO)
- Ra'iisal Wasaaraha Somalia oo booqday goob ay ku geeriyoodeen Xildhibaano ka mid ahaa Baarlamaankii hore (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Dowladda Somalia oo khudbad dhinacyo badan Taabanaysay ka jeediyay caawa Telefishinka Al-Jazeera
- Wafdigii uu Hoggaaminayay Ra'iisal Wasaaraha oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq (SAWIRRO)
- Puntland oo Walaac ka Muujisay in Soomaaliya laga qaado Cunno-qabateynta Hubka ee saaran Muddada dheer
- Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay dhallinyaro ku Eedeysan inay ka Tirsanaayeen Al-shabaab [SAWIRRO]
- Kooxo Hubeysan oo Baydhabo ku dilay qof rayid ah iyo Muran Maamulka Bay ku saleysan oo ka taagan Degmadaas
- Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Arday ka socotay Dugsiyada Sare ee Magaalada Hargeysa
- Dagaalyahanno ka Tirsan Al-shabaab oo ku dhintay Qarax weyn oo ka dhacay Degmada Buulo-barte ee Gobolka Hiiraan
- Dagaal khasaare badan geystay oo Cidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Afgooye
- Uhuru Kenyatta oo weli haya hogaanka doorashada, iyadoo la tiriyay codadka Afar Milyan oo ka mid ah kuwii la dhiibtay
- Murashaxa Uhuru Kenyatta oo weli ku Horreeya Natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinka Kenya
- Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo ku baaqday in aan Soomaaliya laga qaadin Cunno-qabateynta Hubka