4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo ku baaqday in aan Soomaaliya laga qaadin Cunno-qabateynta Hubka


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu digtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay cunno-qabteynta hubka ee 21-ka sano saaran Soomaaliya ay ka qaadaan, taasoo xubnaha goluhu ay qorsheynayaan inay go’aan ka gaaraan berri oo Arbaco ah.

Xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ayaa waxay doonayaan inay hal sano oo tijaabo ah ay cunno-qabateynta hubka uga qaaddo Soomaaliya, si dowladdu ay ula dagaalanto kooxda islaamiga ah ee Al-shabaab.

“Maadaama uusan hubku lahayn ilaalo sugan, wuxuu sababi karaa inuu sii adkeeyo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed haysata uuna kasii daro xaaladda bani’aadamnimo ee dalka,” ayuu yiri baaraha hay’adda ee dalka Soomaaliya, Gemma Davies.

Sarkaalkan wuxuu intaas ku daray: “Sannado badan ayaa la jabinayay cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya, taasoo sare u sii qaadday dagaalka ay ku jiraan dhinacyada isku haya Soomaaliya. Hub kale oo Soomaaliya la geeyana wuxuu kordhin karaa falalka bani’aadamada ka baxsan oo lagu geysanayo colaadaha.”

Hay’addu waxay sheegtay inay horay u sheegtay fikirkeeda ku aaddan in laga qaado Soomaaliya cunno-qabteynta hubka.

Laakiinse dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in laga qaado cunno-qabateynta hubka ee saaran si ay u dhisto ciidamadeeeda, iyadoo Mareykanka arrintan dabada ka riixayo, halka dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska ay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin in cunno-qabateynta laga qaado Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa cunno-qabateynta hubka la saaray sannadkii 1992-kii markaasoo dalka ay socdeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeya dagaal-oogayaal iska soo horjeeda. Balse dowladda Soomaaliya oo ah dowladdii rasmiga ahayd ee uu dalku yeesho 22-sano kaddib ayaa dalbatay in laga qaado cunno-qabteynta huhka.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegatay inay khatarta sii badin karaan hubka la geynayo Soomaaliya, kuwaasoo laga qaabo inay gacanta u galaan kooxaha kasoo horjeeda dowaldda sida Al-shabaab.

Ruushka aya isaguna sheegay in qaadista cunno-qabteynta hubka lagu saleeyo heshiis lala galo dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in hubka aanu ka baxayn gacanteeda. “Waa in qaadista cunnoqabteynta laga gaaro heshiis,” ayuu yiri Vitaly Churkin oo ah ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxaha la socodka xaaladaha Soomaaliya ay sheegeen in xubno Al-shabaab ka tirsan ay xubno ka yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay fududeyn karo in hubka uu gacanta u galo Al-shabaab.

Dhanka kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay ka hadli doonaan kulankooda berri oo Arbaco ah kordhinta muddada howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo xilligooda shaqo uu dhacayo Khamiista soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya