4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo Shaacisay inay Keenayso lacago cusub oo ay ku bedelayso Lacagta Shillin Soomaaliga

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka keenayso lacago cusub oo wax looga bedelayo shillin Soomaaliga oo aan qiimo badan lahayn, sida uu saxaafadda u sheegay maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamed Xasan Aadan.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay inuu socdo qorshihii lagu bedeli lahaa lacagta shillin Soomaaliga ah oo uu sheegay inay duugoowday, isagoo sidoo kale ka hadlay isbedelka sarrifka doollarka.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay inay wax ka qabato lacagta Soomaaliga oo ay keento lacag cusub oo lagu bedelayo, waayo dowladda waa ku khasab in ay lacagta bedesho, waxaase layaab leh in ganacsatada qaarkood ay urursanayaan lacagaha la bedeli rabo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka

Mar uu ka hadlay sababaha saldhigga u ah in sarrifka doollarka uu aad hoos ugu dhaco ayaa wuxuu sheegay inay sababi karaan lacago badan oo doollar ah oo dalka soo galay, balse wuxuu sheegay in lacagtaas aysan saameyn ku yeelan karin suuqyada, balse ganacsatada ay ka dambeeyaan arrintaas.

“Bankiga dhexe wuxuu wadaa qorshihii lacagta lagu bedeli lahaa, waxaana kula talinaynaa ganacsatada urursanaya lacagaha inaysan ku dhicin, waayo haddii ay lacagtu suuq ku firirsan tahay waa la koontarooli karaa sida lagu bedelayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxay si aad ah uga hadlaysay isbedelka sarrifka doollarka oo saameyn xooggan ku yeeshay dadweyanha Soomaaliyeed, gaar ahaan danyarta.

Lama oga sida uu go’aankan ay xukuumaddu ku dhawaaqday ay wax uga bedeli karo sarrifka doollarka oo aad uga dhacay Muqdisho, halka gobollada kale ee dalka uu ka joogo heerkiisii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya