4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo ka hadlay Boqolaal Ciidammo ah oo dhawaan gaaray Magaalo Xeebeedda Kismaayo

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.

Maxamed Kaliil ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ya u bedeshay degmadaas, balse aysan ahyan kuwo inay dhibaato sameeyaan halkaas u tagay.

“Ciidamadan waxay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ay u bedeshay gobolka Jubbada Hoose, umana tegin halkaas inay dhibaatooyin abuuraan,” ayuu yiri Kaliil oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan gobolka Gedo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan cabsi weyn oo ka dhalatay in ciidamadan iyo kuwa maamulka KMG ah ee degmada uu dhexmaro isku-dhac hubeysan.

Su’aal ahayd halka ay ciidamadaas u mareen Kismaayo oo la weydiiyay ayuu kaga jawaabay inay mareen soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayna hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

“Intii ciidamadan ay kusii socdeen jidka wax dagaal ah lama kulmin, mana aysan sii marin dhulka ay Al-shabaab ka taliso,” ayuu Kaliil hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay in ciidamadan ay ogaayeen maamullada dowladda balse maamulkii aan dowladda ka tirsanayna maba oga.

Sidoo kale, mar la weydiiyay su’aal ahayd fikirka ay ka qabaan maamul u sameynta Jubbooyinka ayuu sheegay in maamulkaas aan loo dhameyn, mana jirto jabhad maamul u sameyn karta Jubbooyinka, waayo dalka lagama aqoonsano buu yiri jabhado.

“Dalka dowlad ayuu leeyahay waana inay dowladdu hoggaamiso maamul u sameynta gobollada dalka, ciidamada Kismaayo tagayna waxay ku tageen qorshe dowladeed,” ayuu guddoomiyaha gobolka Gedo ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay maxkamad soo taagto xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo uu sheegay inuu ciidamada dowladda ee Kismaayo tagay ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaan weli ka hadlin ciidamadan soo gaaray degmada, inkastoo wararka ka imaanaya xarunta Jubbada Hoose ay sheegayaan in cabsi weyn ay ka jirto degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya