4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Lix Gabdhood oo ku Summoobey Sheybaarka Dugsiga Sare Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Waxaa maanta sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku sumoobey 6-gabdhood oo kamid ah ardeyda wax ka barta fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Badhan.

Ardeydan oo ay laba kamid ah xaaladoodu halis tahay, islamarkaana xilligan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee degmadaas, waxaa qaabkii ay ku sumoobeen ka warbixiyey guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon.

Wuxuu sheegay in gabdhaha ardeyda ah oo markii hore shey-baarka loogu direy in ay soo nadifiyaan, ay ku ciyaareen dareerayaal Kiimiko, arintaas oo keentay in ay jiidaan hawo sumeysan, sidaasna ay ku waxyeeloobeen.

Nasro Aadan Ciise oo kamid aheyd ardeyda maanta ku somoobey shey-baarka dugsiga sare ee degmad Badhan -oo iyadu war-baahinta la hadashay- ayaa sheegtay in xilligii shilku dhacayey uu albaabku u xirnaa, macallinka shey-baarkuna uu goobta ka maqnaa.

"Markii hore inaan soo xaaqno ayaa naloogu furay shey-baarka, kaddib waxan isku daynay in aan tijaabino cashar horay macallimiintu noo tuseen, albaabkana waan soo xiranay, kaddibna waxa na qariyey qiiq dabadeedna waan miyir beelnay.." Nasro Aadan ayaa tiri.

Waa markii ugu horeysey oo shil noocan oo kale ahi uu ka dhaco degmada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana xusid mudan in dhowr mar oo hore ay sidan oo kale arday ugu somoobeen magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacayo, inkastoo aysan wax khasaare ah geysan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya