4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Masuuliyiinta Gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari oo aragtiyo kala duwan ka bixiyay khilaafka ka Aloosan Jubbooyinka

PIX3.jpg


Arbaco, June 12, 2013 (HOL) - Tan iyo markii loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulka Jubbaland Sheekh Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa waxaa kala qaybsanaani ay ka dhex jirtay dhinacyada Soomaalida oo kala taageeray madaxweynayaal dhowr ah oo halkaas looga dhawaaqay, iyadoo dawlada federaalka ah ee Soomaaliyana ay sharci darro ku tilmaantay dhammaan maamullada looga dhawaaqay Jubbooyinka.

Khilaafkan ayaa waxaa laga dareemay dalka Kenya iyadoo hogaamiyaha aqlabiyada ee xisbiga talada haya xildhibaan Aadan Barre Ducaale uu sheegay inay taageerayaan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Aaden Barre ayaa sheegay in dawlada Kenya ay ka go’antahay taageerada maamulkaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay xayndaab ay dawlada Kenya kaga hortagayso ammaan darrada ka jirta koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay inay saamayn ku yeelatay amniga gobolka waqooyi bari iyo guud ahaanba dalkani Kenya.

Aaden ayaa intaa ku daray in aysan ciidamada Kenya kasoo bixi doonin Soomaaliya, isagoo weerar kululna ku qaaday dawlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, mar uu ka hadlayay xaflad ka dhacday mid kamid ah iskuullada ku yaalla magaalada Gaarisa.

Xildhibaano kale oo iyaguna ka tirsan kuwa laga soo doorto gobolka waqooyi bari oo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi kulamo kula qaadanayay Sheekh Axmed Madoobe ayaa iyaguna shaaciyay inay taageersanyihiin maamulka Jubbaland.

Arrintan ayaa waxaa ka jawaabay Guddoomiyihii dhaqdhaqaaqii loo yiqiiney NFD ee dalka Kenya Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul oo ku tilmaamay hadalada xildhibaanada gobolka waqooyi bari inay tahay faragalin lagu hayo dalka Soomaaliya.

Suldaan Deeqow ayaa ku eedeeyay maamulka Axmed Madoobe inuu gumaysi u horseedayo dalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay mudanayaasha baarlamaanka ee dalka Kenya inay ka fogaadaan faragalinta dalka Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay waddan daris ah oo xor ah.

Wuxuuna codsi u diray xukuumada dalka Kenya inay iska ilaaliso wax walba oo khilaaf siyaasadeed dhex dhigi kara Soomaalida oo uu sheegay inay haatan dib u soo ceshadeen dawladnimadoodii.

Marka laga soo tago siyaasiyiinta dalka Kenya, saxaafadda dalkan ayaad moodaa inay si joogto ah wax uga qoraan gobollada Jubbooyinka, taasoo muujinaysa sida dawlada Kenya ay u danaynayso arrimaha ka taagan gobolkaas.

Wargeysyada sida aadka looga akhristo dalka Kenya ee The Standard iyo Daily Nation ayaa bilihii u dambeeyay si wanaagsan looga dheehan karay walaaca Kenya ay ka qabto sii socoshada khilaafaadka ka taagan Jubbooyinka.

Waxaase haatan soo baxaya hadallo ay saxaafada isu mariyeen hogaamiyayaasha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, kuwaasoo ay labada dhinacba ku sheegeen inay doonayaan xal kama dambays ah oo laga gaaro mushkilada Jubbooyinka, taasoo rajo cusub ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee maalmihii lasoo dhaafay ay dhagahooda ku soo dhacaysa dagaallada iyo dhiiga ku daadanaya magaalada Kismaayo.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya