4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Shir looga Hadlayo Sameynta Sharciga Horumarinta Jinsiga Soomaaliya oo Maanta ka furmay Magaalada Kampala (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Shir ay soo qabanqaabisay AMISOM oo gun-dhig u ah sidii loo sameyn lahaa sharciga horumarinta jingsiga (Ragga iyo Dumar Soomaalida) ayaa maanta ka furmay magaalada xarunta dalka Uganad, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay dad ka socday dalal badan oo Afrikaan ah.

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa furay shirka, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in markii ugu horreysay loo fariistay sameynta sharci lagu horumarinta jinsiga guud ee Soomaaliya, si ay ugu sinnaadaan awoodda xukuumadda, siyaasadda, go’aan gaarista iyo ka qaybqaadashada siyaasadda dalka.

“Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa waxaa maanta la furay shir lagu sameynayo markii ugu horreysay sharciga siyaasadda Qaran ee Jinsiga, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii lagu cirib-tiri lahaa sinnaan la’aanta jinsiga, iyadoo sharcigan ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka faa’iideysan doonaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM oo shirkan looga hadlayay.

Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socda wasaaradda arrimaha bulshada, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socday bulshada rayidka ah, dadka naafadaha ah, waxgarad iyo dad kale oo ka socday dalalka Uganda, Ruwanda, Jabuuti iyo Kenya, kuwaasoo hadal ay meesha ka jeediyeen ku sharraxay habka ay u sameeyeen sharciyadooda ku saleysan jinsiga, guulaha ay ka gaareen iyo caqabadaha hortaagan.

Inta uu shirku socdo ayay ka qaybgalayaashu waxay is-dhaafsan doonaan fikarado ku saabsan sidii loo sameyn lahaa sharcigan oo ugu dambeyn loo gudbin doono baarlamaanka Soomaaliya si uu u ansixiyo.

Waa markii ugu horreysay oo shir noocaan oo kale ah loo qabto Soomaalida iyadoo marka uu soo xirmo lasoo bandhigo doono qodobbadii lagu gaaray shirka iyo qoraalka aan rasmiga ahayn ee sharciga ku saabsan siyaasadda Qaran ee Jinsiga Soomaailyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya