3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Safiirka Somalia ee Qaramada Midoobay oo si Adag uga Hadlay Dhibaatada Haysata Soomaalida ku nool Koonfur Afrika


Arbaco, June 12, 2013(HOL)—Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka soconaya fadhigii 23aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM, waxaana si aad ah looga dareemayaa xaaladda is-badalaysa ee dalka Soomaaliya gaar ahaan midda Xuquuqul Insaanka.

 

Dhowr maalmood ka hor ayaa waxaa kulan isugu yimid Safiirrada Dalalka Afrikaanka ah ee ka qeyb galaya shirweynaha 23aad Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM. Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Geneva Yuusuf Max’ed Ismaaciil Bari Bari ayaa  ka jeediyay hadal dheer oo aad u adag kaasoo uu uga hadlaayay dhibaatada xooggaan lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

 

Mudane Yuusuf Bari Bari ayaa waxaa uu wax aad laga naxo oo ka baxsan bani’aadannimo ku tilmaamay dilkii wuxuushnimada loogu geystay dhawaan dalka Koonfur Afrika Allaah ha u naxariistee nin dhalinyaro ah taasoo si weyn ay ugu carootay Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika laga doonayay in ay dadka Afrikaanka ah soo dhaweyso gaar ahaan waqtigan oo ay hayso guddoomiyenimada Ururka Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale uu xusay in ay ahayd in ay tixgeliyaan dadyowga la midabka ah ee horay abaalka ugu galay sida Soomaaliya oo kale.

 

Danjire Yusuf Bari Bari waxaa uu ku tilmaamay dhibaatada loo geysanayo dadka Soomaaliyeed mid aad u soo noq-noqotay oo ku saleysan waxa loo yaqaano Xenophobia ama naceyb dad gaar ah loo qabo ama cabsi laga qabo dad ajnabi ah, asaga oo xasuusiyay Dowladda Koonfur Afrika doorka lama iloobaanka ah ee ay Soomaaliya ka qaaadatay la dagaallankii midibtakoorkii ka jiray Koonfur Afrika.

 

Hadalka Mudane Yusuf Bari Bari  ayaa lagu tilmaamay mid adag oo geesinimo aad u weyn ku jirto, isagoo ka mid ah safiirrad faro-ku-tiriska ah ee sida tooska uga hadla marka ay dhacaan dhibaatooyinka loo geysto dada Soomaaliyeed. Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa si weyn u hadal haya dhibaatada baahsan ee loo geysanayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

 

Inta la ogsoon yahay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay waddaa qorshe looga hor tagayo takoorka foosha xun leh lagu hayo dadka qaxootiga ah iyadoo dooneyso in qaraar ay horgeyso shirweynaha 24aad Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM.

 

Tan iyo xilligii uu dhammaadey midab-takoorkii Dalka Koonfur Afrika culeys weyn ayay saartey qabanqaabadii shirkii lagu qabtey magalaada Durban ee sida cilmiyeesan loogu cambaareey midab-takoorka, Isla Dowladda Koonfur Afrika qaraarro faro badan oo lagu camaabreeynayo midab-takoorka iyo isir naceebka ayay u soo bandhigtey Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM halkaasoo lagu ansixiyey.

 

Arintaas aawgeed Diblumaasiinta ka hawlgala Xarunta QM ee Geneva waxay aad u xiiseynayaan una taageeri doonaan tillaabada taariikhiga ah ee ay qaadi doonto Dowladdaa Federaalka Soomaaliya.

 

Dowladaha Qaaradda Afrika iyo kuwa caalamka badankooda aad ayay u dhibsanayaan hab dhaqanka kala duwan ee Dowlada Koonfur Afrika.  Dhinac marka laga fiiriyo Dowladda Koonfur Afrika aad ayay uga dooddaa midab-takoorka iyo isir-naceybka ka jira gaar ahaan qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga Mareeykanka ee lagu hayo dadka asal ahaan ka soo jeeda Qaarada Afrika.  













Click here
6/12/2013 4:38 PM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameeyay Villa Soomaaliya dajirihii hore ee Britain u joogay Soomaaliya, Matt Baugh kaddib markii ay u dhamaatay howshiisii shaqo ee Soomaaliya.

6/12/2013 12:15 PM EST
Arbaco, June 12, 2013 (HOL) - Tan iyo markii loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulka Jubbaland Sheekh Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa waxaa kala qaybsanaani ay ka dhex jirtay dhinacyada Soomaalida oo kala taageeray madaxweynayaal dhowr ah oo halkaas looga dhawaaqay, iyadoo dawlada federaalka ah ee Soomaaliyana ay sharci darro ku tilmaantay dhammaan maamullada looga dhawaaqay Jubbooyinka.

6/12/2013 12:06 PM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Shir ay soo qabanqaabisay AMISOM oo gun-dhig u ah sidii loo sameyn lahaa sharciga horumarinta jingsiga (Ragga iyo Dumar Soomaalida) ayaa maanta ka furmay magaalada xarunta dalka Uganad, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay dad ka socday dalal badan oo Afrikaan ah.

6/12/2013 10:24 AM EST
Arbaco, June 12, 2013(HOL)—Waxaa maalintii shalay aheyd ka dhacday magaalada Stockholm ee dalka Sweden mudaharaad ay dadka Soomaaliyeed ku sameeyey safaaradda South Africa. Mudaraadkaas oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u badan oo isugu jira rag iyo dumar, caruur iyo dhallinyaro waxaa lagu muujinaayey sida ay dadka Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm uga xun yihiin dilalka loo geystay Soomaalida deggan dalka South Africa oo gaar ahaan maalmihii ugu dambeeyey la kulmay dilal iyo dhac loo geystay ganacsigooda.

6/12/2013 9:19 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Maayirka magaalada Hargeysa, C/iraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa xalay casho sharaf u sameeyey ciyaartoyga u ciyaarayey gobolka Maroodi jeex, kuwaas oo iskugu jiray ciyaartoyga kubadda cagta, kolayga iyo Orodadda.

6/12/2013 8:44 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Kulan aqoon korodhsi ah oo ay ka soo qaybgaleen ururadda maxaliga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ay iskugu yeedhay Hay’adda Sweden u qaabilsan mucaawimooyinka ee magceedda la yidha Forum SYD.

6/12/2013 8:25 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo tacadiyada isugu jira dilalka, dhaca iyo boobka joogta ah ee lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/12/2013 7:55 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa lagu dilay laba kalena waa la dhaawacay iyadoo la la’yahay toddoba ruux oo kale, kaddib markii gaari ay dadkaan la socdeen ay kooxo hubeysan ku weerareen deegaanka Qooqe oo ka tirsan degmada Mandheera ee dalka Kenya.

6/12/2013 7:32 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay xerada Xalane ee Muqdisho wafdi ka socday ururka Midowga Yurub, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalmada Midowga Yurub.

6/12/2013 7:31 AM EST
Arbaco, June 12, 2013Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/12/2013 3:17 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abbaare 11:00 habeenimo waxay weerar ku qaadeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

6/12/2013 3:03 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka Britain iyo Malaysia ayaa shalay iyo xalay sameeyay dibadbax iyo kulan baroor-diiq ah oo ay kaga horjeedeen dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysnayo dalka Koonfur Afrika.