4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Wafdi uu Horkacayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland, Sheekh Axmed Madoobe oo Kismaayo Gaaray [SAWIRRO]


Arbaco, June 12, 2013Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa markii ay soo gaareen garoonka waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulkiisa oo uu horkacayay Madaxweeyne ku xigeenka Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo sidoo kale dadweeyne aad u fara badan.

 

Soo dhaweyn kadib ayaa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalladii dhawaan ka dhacay Kismaayo, wuxuuna intaa kadib ka warbixiyay safarkiisii, isagoona sheegay in mudadii uu ku maqnaa dalka Kenya uu kulamo lasoo qaatay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul  goboleedka Puntland.

 

Masuulkan ayaa sheegay in madaxweeynaha Soomaaliya ay u gudbiyeen fariintii ay wadeen, wuxuuna sheegay in ay guul ugu soo dhamaadeen kulamadii ay qaateen, isagoona rajo wanaag ka muujiyay mustaqbalka maamul goboleedka Jubbaland ee uu madaxweeynaha u yahay.

 

“Dowladda waan is aragnay, madaxweeyne Xasan Sheekh waan kulannay, waan u sheegnay inaanu tuhun jirin, madaxweeynahanagii uu yahay oo uu iska saaro haday wax ku jireen, waxaana isla qaadannay shirkii loogu talo galay ee IGAD ay qabaneeysay lagaga hadlayay deegaanka inaan dhameeystirno iyadoo wax xumaan ahi jirin,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

 

Masuulkan ayaa ugu danbeyn sheegay in kulan ay la qaateen madaxda maamul goboleedka Puntland, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadlay arimo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo dastuurka dalka.

 

Imaatinka Wafdiga uu horkacayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan gudaha magaalada Kismaayo ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamo daacad u ah maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamo kale oo uu horkacayay Iftiin Xasan Baasto oo isna sheeganaya madaxweeynenimada Jubbaland, walow odoyaal deegaanka ah ay ku guuleysteen in ay arintaasi xalliyaan

.








 

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.