6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London iyo dalka Malaysia oo dhigay dibadbax iyo baroordiiq (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka Britain iyo Malaysia ayaa shalay iyo xalay sameeyay dibadbax iyo kulan baroor-diiq ah oo ay kaga horjeedeen dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysnayo dalka Koonfur Afrika.

Magaalada London ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal Soomaali ah oo ku qaylinayo erayo ay ku codsanayeen in lagu joojiyo dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika lagu hayo.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay qaarkood wateen boorar ay ku qoran yihiin: “Waa in la joojiyo dilalka lagu hayo Soomaalida” Sidoo kale waxay wateen calanka Soomaaliya, waxaana mudaaharaadkan uu ahaa mid la dareemay bartamaha magaalada London.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa toddobadyadii ugu dambeeyay waxaa dilal loogu geystay lix qof oo Soomaali ah, kuwaasoo mid ka mid ah lagu dilay dhagax, waxaana taasi ay kicisay Soomaalida ku nool caalamka oo dhan, iyagoo dhigay dibadbaxyo waxaana meelaha ay ka dhaceen ka mid ahayd magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, kulan ay kazoo qaybgaleen Soomaalida wax ku barta iyo kuwa ku nool dalka Malaysia ayaa xalay ka dhacay magaalada Kuwalalambur ee dalkaas, kaasoo loogu baroord-diiqayay Soomaalidii lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

“Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda iyo shacabka Koonfur Afrika inay joojiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka Soomaalida ah ee dalkooda ku nool, waana inay xusuustaan taageeradii ay u gashay Soomaaliya xilligii ay ku jireen gumeysigii midab-kala-sooca ahaa,” ayay yiraahdeen dadkii kasoo qaybgalay baroordiiqda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa haween mayo-cad madaxa ku xirtay kuwaasoo xambaarsanaa boorar ay ku qoran yihiin: “Waa in la joojiyo dialka loo geysnayo Soomaalida Koonfur Afrika ku nool” iyo "Waa in Soomaalida Koonfur Afrika ay hesho cadaalad."

Sidoo kale, dadkan waxay wateen calanka Soomaaliya oo ay luxayeen iyo calanka dalka Koonfur Afrika oo dhiig ku daadsan; waxaana haweeney waayeel ah oo ka mid ahayd dadkii kasoo qaybgalay dibadbaxa ay sheegtay iyadoo ilmaynaysa inay aad uga xun tahay dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysnayo Koonfur Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qoraal ay u dirtay xukuumadda Koonfur Afrika waxay kaga dalbatay inay faragelin ku sameyso dilalka iyo dhaca lagu hayo Soomaalida ku nool dalkooda, ayna baaris ku sameyso kuwa geysanaya falalkaas si sharciga loo horkeeno.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/12/2013 4:38 PM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameeyay Villa Soomaaliya dajirihii hore ee Britain u joogay Soomaaliya, Matt Baugh kaddib markii ay u dhamaatay howshiisii shaqo ee Soomaaliya.

6/12/2013 12:15 PM EST
Arbaco, June 12, 2013 (HOL) - Tan iyo markii loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulka Jubbaland Sheekh Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa waxaa kala qaybsanaani ay ka dhex jirtay dhinacyada Soomaalida oo kala taageeray madaxweynayaal dhowr ah oo halkaas looga dhawaaqay, iyadoo dawlada federaalka ah ee Soomaaliyana ay sharci darro ku tilmaantay dhammaan maamullada looga dhawaaqay Jubbooyinka.

6/12/2013 12:06 PM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Shir ay soo qabanqaabisay AMISOM oo gun-dhig u ah sidii loo sameyn lahaa sharciga horumarinta jingsiga (Ragga iyo Dumar Soomaalida) ayaa maanta ka furmay magaalada xarunta dalka Uganad, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay dad ka socday dalal badan oo Afrikaan ah.

6/12/2013 10:24 AM EST
Arbaco, June 12, 2013(HOL)—Waxaa maalintii shalay aheyd ka dhacday magaalada Stockholm ee dalka Sweden mudaharaad ay dadka Soomaaliyeed ku sameeyey safaaradda South Africa. Mudaraadkaas oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u badan oo isugu jira rag iyo dumar, caruur iyo dhallinyaro waxaa lagu muujinaayey sida ay dadka Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm uga xun yihiin dilalka loo geystay Soomaalida deggan dalka South Africa oo gaar ahaan maalmihii ugu dambeeyey la kulmay dilal iyo dhac loo geystay ganacsigooda.

6/12/2013 9:54 AM EST
Arbaco, June 12, 2013(HOL)—Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka soconaya fadhigii 23aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM waxaana si aad ah looga dareemayaa xaalada is badalaysa ee dalka Soomaaliya gaar ahaan midda Xuquuqul Insaanka.

6/12/2013 9:19 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Maayirka magaalada Hargeysa, C/iraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa xalay casho sharaf u sameeyey ciyaartoyga u ciyaarayey gobolka Maroodi jeex, kuwaas oo iskugu jiray ciyaartoyga kubadda cagta, kolayga iyo Orodadda.

6/12/2013 8:44 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Kulan aqoon korodhsi ah oo ay ka soo qaybgaleen ururadda maxaliga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ay iskugu yeedhay Hay’adda Sweden u qaabilsan mucaawimooyinka ee magceedda la yidha Forum SYD.

6/12/2013 8:25 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo tacadiyada isugu jira dilalka, dhaca iyo boobka joogta ah ee lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/12/2013 7:55 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa lagu dilay laba kalena waa la dhaawacay iyadoo la la’yahay toddoba ruux oo kale, kaddib markii gaari ay dadkaan la socdeen ay kooxo hubeysan ku weerareen deegaanka Qooqe oo ka tirsan degmada Mandheera ee dalka Kenya.

6/12/2013 7:32 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay xerada Xalane ee Muqdisho wafdi ka socday ururka Midowga Yurub, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalmada Midowga Yurub.

6/12/2013 7:31 AM EST
Arbaco, June 12, 2013Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/12/2013 3:17 AM EST
Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abbaare 11:00 habeenimo waxay weerar ku qaadeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.