4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Axmed Madoobe oo shaaciyay inuu diyaar u yahay in dowladda Soomaaliya uu la shaqeynayo uusanna kasoo horjeedin

Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah ragga isku haysta xilka madaxweyne ee maamulka Jubbaland ee bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoggaamiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ee Jubbaland uusan doonayn inuu ka go’o dowladda Soomaaliya, balse uu yahay mid loo sameeyay inuu maamulo Kismayo iyo deegaannada kale ee gobollada Jubbooyinka.

Isagoo ka hadlayay magaalada Nairobi oo uu ku sugan yahay ayuu sheegay Axmed Madoobe inuu rajeynayo inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya uuna kula shaqeeyo dowladda habka federaalka ah ee lagu wado inay ka hirgeliso dowladdu dalka oo dhan.

“Maamulka aan madaxda ka ahay waxaa taageersan inta badan beelaha ku nool Jubbooyinka, waxaana doonayaa inaan beelaha kale ee tabashada qaba aan ka qayb-gelinno maamulka,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in howlwadeennada maamulkiisa ay yihiin kuwo kasoo jeeda dhamaan beelaha ku nool gobollada Jubbooyinka sida: Baajuun, Cowro-male, Soomaali Bantu, Biya-maal, Majeerteen iyo Gaaljecel.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in maamulkiisa uusan ahay mid doonaya in uu xagal-daaciyo howlaha dowladda Soomaaliya, balse ay ula shaqeynayaan si wanaagsan oo aan hagar lahayn.

“Doorashadeydu waxay ahayd mid sameeyeen xubno wakiillo ka ah dadka ku nool gobollada Jubbooyinka oo dhan. Wufuuddii shirkii Kismaayo ka qaybgashayna waxay matalayeen dhammaan beelaha ku nool gobollada Jubbooyinka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Axmed Madoobe ayaa hadalladan ka sheegay kulan uu la yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo ay ka mid ahaayeen: Barre Aadan Shiil, Cabdullaahi Diiriye iyo Maxamed Shidiye iyo ganacsato reer Kenya ah.

Dhanka kale, Axmed Madoobe wuxuu ammaanay kaalinta ay ciidamada Kenya ka qaateen in Al-shabaab laga qabsado degmada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna xusay in ciidamada Kenya ay ka qaybqaateen tababarka ciidamada Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya