4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tilmaamay heshiiska Cotonou inuu yahay fursad dib loogu dhisayo Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey go’aankii ururka Midowga ee ahaa inay dib uga mid noqoto Soomaaliya saxiixayaasha heshiiskii Cotonou.

Soomaaliya ayaa loo oggolaaday inay xubin buuxda ka noqoto sanadka soo socda ee 2014 heshiiska Cotonou. Iyadoo Soomaaliya xubin ka ahaan jirtay heshiiskii Lome ka hor 1991-kii, kaasoo sannadkii 2000 loo bixiyay heshiiskii Cotonou.

“Heshiiskan Cotonou wuxuu fursad noo siinayaa in Midowga Yurub ay ka fuliso Soomaaliya mashaariic horumarineed si aan dalka dib ugu dhisno. Mashaariicdan horumarineed waxay shaqo u abuurayaan dhallinyarada si ay uga qeyb-qaataan dib u dhiska dalka uguna noolaadaan dalkoodii oo horumar iyo barwaaqo ay jirto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay faa’iidada heshiiskan.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray” “Dowladdu waxay dadaal fara badan gelisay horumarinta xiriirka caalamiga ah, oggolaashahanna wuxuu qeyb ka yahay ka mid noqoshadeena beesha caalamka.”

Kulankii heerka wasiirro ee Midowga Yurub iyo ACP ee lagu qabtay Brussels 03-dii illaa iyo 07-dii bishan Juun oo ay wada-shir guddoominayeen wasiirka arrimaha dibadda ee Botswana, Phandu Skelemani iyo wasiir-u-dowlaha ganacsiga iyo horumarinta Ireland, Joe Costello, ayaa lagu go’aamiyay in Somalia ay ka mid noqoto saxiixayaasha Cotonou.

Mr Joe Costello oo shir jaraa’id qabtay kulanka kaddib ayaa yiri: "Go’aankan maanta oo ay Soomaaliya uga mid noqonayso saxiixayaasha Cotonou waxay irid cusub u furaysaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ah calaamad muujinaysa dib ugu soo laabashada Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay xubinnimadeedii beesha caalamka.”

Danjiraha Soomaaliiya u fadhiya Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Soomaaliya uga qaybgalay shirka wasiirrada Midowga Yurub iyo ACP.

Sawirradan waa kuwo hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya