4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo la kumay Guddoonka Baarlamaanka Itoobiya (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, guddoonka baarlamaanka dalkaas.

Kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii labada baarlamaan ay u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqeyneed oo joogto ah. Iyagoo wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka qado loogu sameeyay hoteelka Sharaton ee magaalada Addis Ababa kulanka ka hor.

“Aad baan ugu faraxsanahay socdaalka aan ku nimid halkan (Itoobiya). Waana safarkii iigu horreeyay ee aan Soomaaliya uga soo ambabaxo tan iyo markii xilkan la ii doortay, Halkan waxaan kala kulmay soo dhaweyn aad u wanaagsan waxaadna muujiseen sida aad ugu faraxsan tihiin inaan halkan imaanno,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayaa intaas kaddib ka hadlay xaaladda guud ee dalka, is-bedellada dhanka ammaanka ah ee uu dalka ku tallaabsaday. Isagoo sheegay inay rajeynayaan in baarlamaanka Itoobiya ay la yeeshaan wadashaqeyn muddo dheer socota.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya, Cabdulle Gemeda oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka dhexmaray labada dhinac oo ka dhacay xarunta baarlamaanka Itoobiya ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ka socda dalka Itoobiya ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya .

Cabdulle Gemeda ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado tan iyo markii xilkan loo doortay ay muujinayso sida ay madaxda dowladda Soomaaliya uga go’an tahay wanaajinta xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya

Ugu dambeyn, kulanka ay yeesheen xubnaha ka kala socday baarlamaannada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa tusaale cad u ah sida ay labada dal uga go’an tahay inay wanaajiyaan xiriirka wadasheyn ee ka dhexeey, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay is-dhaafsadaan fikradaha.

Afhayeenka baalamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu kulammo la yeesho madaxda dalka Itoobiya, sida ra’iisul  wasaaraha dalkaas, Hailemariam Disaleng iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya