4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Kooxo hubeysan oo nin ganacsade ah ku dilay Kismaayo

Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) —Kooxo baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo ku dilay nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariisteen ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Aadan Sheekh Muuse (Aadan Sandheere), ayaa la sheegay in ay toogteen kooxo hubeysan, xilli uu ka yimid masaajid ku yaal xaafadda Farjanno gaar ahaan waaxda Suuqa-yaasiin oo ahayd halka uu daganaa.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda uu shilku ka dhacay oo HOL u waramay isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in kooxaha dilka geeystay ay dhowr xabadood la dhaceen marxuumka, markii ay hubsadeen in uu dhintayna ay goobta isaga baxsadeen.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa durbo waxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasoo goobta ka sameeyay baaritaanno, walow aysan jirin cid ay ku qabteen howlgalladaasi.

Ilaa imika lama garanayo sababta ka danbeeysay dilka ganacsadahani, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay dilka iyo weliba cidda ay ku tuhmayaan in ay ka danbeeyso.

Dhacdadani ayaa kusoo beegmaysa iyadoo saraakiisha maamulka KMG ee Kismaayo ay dadaal ugu jiraan xaqiijinta ammaanka guud ee degmada Kismaayo, oo ay marar badan oo hore ka dhaceen dilal qorsheeysan oo gudaha magaalada loogu geeystay dad rayid ah.

……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya