4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho

Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xanuun kusoo booday awgiis ugu geeriyooday xalay isbiaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ehellada marxuumka ayaa saxaafadda u sheegay in xildhibaanku uu si lama filaan ah ugu geeriyooday xanuun soo booddo ah, iyadoo lagu wado in lagu aaso maanta magaalada Muqdisho.

“Marxuumku wuxuu ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna horay u soo noqday wasirika owqaafta iyo arrimaha diinta,” ayay u sheegeen warbaahinta qaar ka mid ah ehellada marxuumka.

Xildhibaankan ayaa noqonaya kii labaad oo ka geeriyooda baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo horay loo dilay mid ka mid ah xildhibaannada, kaasoo sodog u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Geerida marxuumka ayaan waxay imaanaysaa iyadoo xildhibaannadu ay ku jiraan fasax-sannadeedkoodii, waxaana booskan uu noqonayaa mid bannaan oo laga sugayo guddoonka baarlamaanka inay buuxiyaan.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaas oo xulay ergooyin si gaar ah loogu saaray, iyagoo kuraasta ugu fadhiya qaab 4.5 ah, balse waxaa laga sugayaa inay ka shaqeeyaan sidii afarta sano ee soo socota ay shacabku u soo dooran lahaayeen xildhibaannada matalaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya