4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Ardayda Wax-ka-barta Jaamacadda Nugaal Faraceeda Laascaanood oo Safarro ku maray Gobollada Sool iyo Sanaag (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Ardayda wax ka barta Jaamacadda Nugaal faraceeda magaalada Laascaanood ayaa safar wajiyo badan kusoo maray deegaanno ka tirsan gobolka Sool, Sanaag iyo deegaanka Cayn.

Ardaydan oo safarkooda kusoo afjaray magaalada Taleex oo ay ku yaallaan dhismayaal taariikhi ah ayaa waxay soo gaareen magaalada Laascaanood iyagoo macluumaad badan kawada kumannaan kiiloo-mitir oo ay soo mareen.

Guddoomiyaha ururka ardayda jaamacadda Nugaal, Aamina Saleebaan Maxamuud oo safarkaas ka warrantay ayaa sheegtay inay deegaannadii ay mareen ay ku yaalaan dugsiyada sare iyo kuwo kale oo jidkooda noqday.

Aamina waxay sheegtay in muhiimaddooda safarkan ay ka bilaabeen Laas-caanood ayna ku mareen deegaanada kala ah: Boocame, Widhwidh, Yagoori, Buuhoodle, Xuddun, Kulaal, Fiq-fuliye, Ceerigaabo iyo Jiidale, iyadoo xustay in halkaas ay kaga qaybgaleen tartan aqooneed sanadkiiba mar jaamacaddu qabto, kaasoo kor loogu qaadayo aqoonta ardayda dugsiyada sare iyo sidoo kale is-dhexgalka bulshada.

"Dhibaatooyinka ugu badan ee deegaanadaas ka jira dhinaca waxbarashada ayaa waxaa ugu badan macalimiinta oo aan helin wax aqoon ah iyo mushaar," ayay tiri Aamina Saleebaan, iyadoo intaas ku dartay inay soo arkeen arday geed-hoostii wax ku baranaysa oo dadkoodu awoodi waayeen inay dhistaan dugsiyo.

Kharashka ku baxay safarkooda ayay Aamimo sheegtay inuu ahaa mid ay iska ururiyeen ardayda jaamacadda oo aysan jirin meel kale oo dhaqaale uu kasoo galay ama cid taakuleysay.

Safarkan oo qaab sawirkiisu ahaa sidii dalxiis ujeeddooyin muhiim ah hoosta kaga lamaan yihiin ayaa ardaydu waxay si xiiso badan uga sheekyeeneen dhulkii ay soo mareen, sida dhulka bilicda leh ee buurta Daallo ee gobolka Sanaag, magaalada Taleex iyo deegaanno badan oo ay kusoo arkeen waxyaabo ka yaabiyay.

Safarkani wuxuu u muuqdaa mid xiiso badan u lahaa kuwa soconayay iyo kuwa loo tagaayay intaba; isla markaana xusuus maguurto ah ku reebaayay waayeelkii soo gaaray waqtiyadii dowladdii Soomaaliya ay u sameyn jirtay barnaamijyada dal-barasho iyo dalxiis sida igu maqaalo ah, ama raad qoraal aan ku soo gaaray.



Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool