4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inay Ingiriiska kawada hadleen sidii ay uga noqon lahaayeen amni-darradii ay Somaliland ku sheegeen


Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar shaqo kaga maqnaa dalka dibiiisa, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay kulamaddii uu la yeeshay dawladda Ingiriiska.

“Waxa farxad ii ah aniga iyo weftigaba  inaan dalkii dib ugu soo nabad noqonno, arrimaha noogu culays weynaana waxay ahayd dalka ingiriiska oo aanu halkaasi ku aragnay wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, waxaanan ka wada hadalnay wax wada qabsigii u dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska, ee xaga dhaqaalaha, xaga nabadgalyada iyo xaga siyaadaba intaba ka wada hadalnay”ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey kulankii uu la sheegay madaxdda dawladda Ingiriiska, waxaanu intaas ku daray “Woxogaygii na soo kala dhexgalayna (Ingiriiska) ee mugdiga galisay xaga nabadgalyadana waanu ka wada hadalnay in cidii hawlahaasi qaabilsan ee nabadgalyada loo wada diro oo dib loo eego oo la darso ayaanu isla meel dhignay”ayuu yidhi.

Madaxweynaha waxa kale oo uu sheegay in safaaradda Maraykanka ee Kenya la kulmeen kana soo wada hadleen arrimo badan, waxa kale oo uu sheegay inuu la kulmay jaaliyadda Somaliland ee Ingiriska oo uu sheegay inuu uga xog waramay dalka, waxaanu tilmaamay inuu safarkani ahaa mid guul ku soo dhamaaday.

Waxa kale, oo uu sheegay in nabadgalyada dalka loo baahan yahay in shacab iyo dawladba la wada ilaashado si caalamka loo tuso amnigeena iyo wanaageenna.

Madaxweynaha waxa kale oo uu ka hadlay shirka London lagu qabanayo ee Somaalida oo uu sheegay in aanu wali hayn ajandihiisa, balse  marka shirkaas loo keeno ajandihiis ay tallo qaran laga yeelan  doono oo laga wada hadli doono inaynu ka qaybgalno iyo in kale.

Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Md:Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, wasiiro iyo dadweyne kale oo ka qaybgalay soo dhoweyntiisa, waxaanu halkaasi salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka.










Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland