4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2013
Burcad Koonfur Afrikaan ah oo Ganacsade Soomaaliyeed ku toogtay Duleedka Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

Khamiis, Feberaayo 14, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa ku dilay shalay gallinkii dambe duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Xuseen Cali Jimcaale.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay ugu galeen ganacsadaha dukaan uu lahaa, muran dheer kaddibna ay kooxuhu toogteen marxuumka Soomaaliyeed.

“Ganacsadaha la dilay waxaa lagu magacaabi jiray, Xuseen Cali Jimcaale, wuxuu ahaa ganacsade ay da’diisu u dhexeysay 50 illaa 60 sano, dalkanna wuxuu joogay saddex sano,” ayuu yiri Sayid Cumar oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Kooxaha hubeysan ee dilka geystay ayaa la sheegay inay dhac u geysteen dukaanka marxuumka, halkaasna ay ka baxsadeen, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay baadi-goob ku hayaan kooxihii geystay dilka ganacsadaha Soomaailyeed.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ganacsade Soomaaliyeed lagu dilo dalka Koonfur Afrika, ayaa haddana waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada ammaanka ee Koonfur Afrika ay billaabeen qorshe cusub oo ay ku ilaalinayaan hantida iyo nafta ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Sannadkii hore oo keliya ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay boqolaal qof oo Soomaali ah, kuwaasoo isugu jiray ganacsato, haween iyo caruur ku noolaa dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya