
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) - Kumannaan Soomaaliya oo ku nool xaafada Islii ayaa maanta u soo baxay si ay u soo tukadaan salaada ciida.
Dadkan ayaa isugu soo baxay fagaarayaal kala duwan, iyadoo hal goob ah aysan qaadin dadweynaha xaafada Islii oo kumannaan ah.
Waxaana dadka wajiyadooda ka muuqday farxada ciida, iyagoo intooda badanina ay ku labisnaayeen dhar cusub oo aad u qurxoon.
Culimaa'udiin kala duwan oo khudbado dadweynaha u jeediyay ayaa ku wacdiyay ummada midnimo isku duubnaan iyo inay alla ka cabsiga badiyaan.





Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya