6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Bannaanabax looga horjeedo go’aanka uu Barclays Bank Xiriirka ugu jarayo Xawaaladaha oo ka dhacay Magaalada London


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga horjeedo go’aankii uu ku gaaray bankiga Barclays inuu joojiyo adeegyadii uu u qaban jiray xawaaladaha Soomaalida ayaa maanta ka dhacay magaalada London, gaar ahaan afaafka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray Soomaali, Afrikaan iyo dad Eeshiyaan ah ayaa waxay qoraal ay kaga cabanayaan go’aanka bankiga Barclays maanta u gudbiyeen ra’iisul wasaaraha Britain, iyadoo qoraalkaa ay saxiixeen 25,500-qof.

Mudaaharaadka ayaa waxaa horkacaysay xildhibaanad British ah oo lagu magacaabo Rushunaara Cali oo laga soo doorto bariga magalada London, waxaana ka qaybqaadanayay dadweyne fara badan oo qaarkood ay wateen boorar ay ku muujinayaan sida ay uga walaacsan go’aanka lagu xirayo xawaaladaha oo ay lacagaha u marsiin jireen ehelladooda ku nool Afrika.

“Waxaan halkan u nimid inaan muujinno codkeenna ah inaan kasoo horjeedo go’aanka uu gaaray Barclays Bank, sidoo kalena aan muujinno inay jiraan dad kasoo horjeeda inay Soomaaliya wax qabsato,” ayay tiri Laylo Ibraahim Cumar oo ka mid ah Soomaalida ku nool Bariga London oo u warramaysay BBC-da.

Sidoo kale, Laylo oo la wedyiiyay walaaca ay ka qabto nolosha qoyskeeda oo ku nool Afrika haddii go’aanka bagiga uu meel maro ayaa waxay sheegtay in ay qayb ka tahay sababta ay dibadbaxa u dhigayaan inay u muujiyeen UK in haddii la xiro xaawaladaha ay jiraan dad badan oo lacago halkan looga diri jiray oo dhibaato ay lasoo darsayso.

Go’aankan ayaa wuxuu saameynayaa 250 shirkadood oo kuwa xawaaladaha ah, waxaana dadka dibadbaxayaashu ay ku qaylinayeen erayo muujinaya in ay walaac xooggan ka qabaan xaaladda nololeed ee qoysaskooda iyo qaar ka mid ah ehelladooda oo ay dhaqaale uga diri jireen Britain.

Dibadbaxan ayaa dadka taageeraya waxaa ka mid ah orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo u orda dalka Britain, isagoo ku guuleysatay billado badan oo isugu jira orodka dheer iyo kuwa gaa-gaaban.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/7/2013 3:32 PM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqay inay maalinta berri ah tahay ciid, waxaana hambalyo ku aaddan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed ra’iisul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

8/7/2013 3:30 PM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Xukuumada Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalka Yemen deeqo waxbarasho jaamacadeed ah, kuwaasoo tiradoodu tahay 100, kuwasoo kala ah waxbarashada sare iyo shahaadaha koowaad ee Bachelor-ka.

8/7/2013 10:01 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Hay’adda gargaarka bani’aadmanimo ee Afrika (HARO) ayaa gargaar raashin ah oo loogu talo-galay sakaatul fidriga ka qaybisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos, iyadoo loo qaybiyay dad dan-yar oo ay ku jireen kuwo indhoolayaal ah.

8/7/2013 8:17 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay ku gubey inta u dhexeysa magaalada Boosaaso iyo tuulada Kala-bayr labo gaari oo nooca xamuulka qaada ee ay Soomaalidu (Candho-meydlaha) u taqaan ah.

8/7/2013 8:16 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannadkii laabad ee kasoo wareegay markii la aasaasay xisbiga DADKA Soomaaliyeed oo ka mid ah xisbiyadii siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya.

8/7/2013 8:10 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Iyadoo ay maalin keliya ka harsan tahay munaasabaddii Iidul Fidriga ayaa waxaa suuqa weyn ee magaalada Boosaaso laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo xooggan.

8/7/2013 4:57 AM EST
Arbaco, August 07, 2013(HOL) :- Xoogagga Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku qaaday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin lixaad leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

8/7/2013 4:01 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shuruud ku xirtay wareejinta garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubbada Hoose, iyadoo dhawaan ay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somnalia ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Kampala in maamulka garoonka iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

8/7/2013 2:52 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo gaareysa 1,440 dollar ayaa la gaarsiiyay bukaannada ku jira isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

8/7/2013 2:41 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xilli ay muddo yari ka harsan tahay munaasabaddii Iidul Fidriga ayaa waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka bilowday howlagallo ay ciidamada Boolisku ammaanka si weyn ugu adkeynayaan.

8/7/2013 2:17 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Dab weyn oo aan la ogeyn wixii sababay ayaa saakay oo Arbaco ah ka kacay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyata ee magaalada Nairobi, taasoo keentay in garoonka la xiro tan iyo inta amar kale laga soo saarayo.