4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Dab Xooggan oo saakay ka kacay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta & Duullimaadyadii Garoonkaas oo la Joojiyay (SAWIRRO)


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Dab weyn oo aan la ogeyn wixii sababay ayaa saakay oo Arbaco ah ka kacay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyata ee magaalada Nairobi, taasoo keentay in garoonka la xiro tan iyo inta amar kale laga soo saarayo.

Xoghayaha gaadiidka dalka Kenya, Michael Kamau ayaa sheegay in dabka uu yahay mid aad u xooggan, lana joojiyay dhammaan duulimaadyadii iman jiray garoonka inta lagu guuleysanayo in dabka la damiyo, wuxuuna xusay in shaqaalaha dabka dambiya ay dagaal kula jiraan sidii ay dabka u damin lahaayeen.

“Rakaabkii ku jiray garoonka ee doonayay inay duulaan iyo kuwii soo dagay waxaa laga soo saaray iyagoo bad-qaba, dadkana waxaan ku wargelinay in aysan u dhawaan garoonka,” ayuu yiri Kamau.

Garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ayaa ah garoon ay ku degaan diyaaradaha isaga gooshaya dalalka ku yaalla gobolka, kuwa qaaradda iyo sidoo kale kuwa meelaha fog-fog ka yimaada.

“Waxaan xaqiijinaynaa in dabku uu burburiyay qaybta koowaad oo ay kasoo xirtaan diyaaradaha ka yimaada dibadda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen maamluka Jommo Kenyatta.

Mutea Iringo oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay inay sameynayaan wax walba oo ay dabkaas ku damin karaan, isagoo xusay inay shaqalaha dabka dambiya dagaal kula jiraan dabkan kacay.

“Dhammaan duulimaadyadii dibadda ka imaan jiray iyo kuwii gudaha waa la joojiyay, garoonkana waa xiran yahay,” ayuu yiri Iringo oo sheegay in illaa amar dambe uu xirnaanayo garoonka.

Goobjoogayaal ku sugan Nairobi ayaa sheegay in dabka ka kacay garoonka laga arkayo meelo aad u fog, waxaana garoonka laga saaray dad badan oo doonayay inay u dhoofaan Yurub iyo dalal kale oo caalamka ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya