4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Munaasabad lagu Xusay Sanad-guuradii 2-aad ee Aasaasay Xisbiga DADKA oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) —  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannadkii laabad ee kasoo wareegay markii la aasaasay xisbiga DADKA Soomaaliyeed oo ka mid ah xisbiyadii siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qaybgalay, waxgarad, siyaasiyiin, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, dadweyne, haween iyo odayaal ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin kala duwna oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga DADKA.

Guddoomiyaha xisbiga Siciid Ciise Maxamuud oo khudbaddiisii kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: taariikhda xisbiga iyo xaaladda dalka uu ku sugan yahay dhinacyada siyaasadda iyo amniga. Wuxuuna si gaar ah u xusay in xisbiga DADKA lagu aasaasay magaalada London, ujeeddada loo abuurayna ay tahay sidii shacabka Soomaaliyeed uu ugu horseedi lahaa  horumar iyo dowladnimo wanaagsan.

“Magaalada Kismaayo waxay gacanta u gashay koox beeleed hubeysan oo dowladda Soomaaliya ka xarig furtay lana hoos gashay Kenya awooddii ay magaaladaas . Dowladu waxay ka gaabisay in mucaaradka hubeysan ee marooqsaday maamulka Kismaayo ay ula dhaqanto qaab dowladnimo oo raacsan in la mariyo mariinka uu mudan yahay mucaaradka hubeysan,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga DADKA.

Sidoo kale, Saciid Ciise wuxuu sheegay in Puntland uu hoggaankeeda lasoo darsay diidmo ay shacabka deegaanka kaga soo horjeedaan siyaasada soo xumaatay ee hogaanka maamulka.

“Hoggaamiyaha maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray dowlada dhexe ee Soomaaliya oo maamulkiisu wax dhisay, isagaoo ku haminaya inuu dib u raaco dhaqan-xumadii nidaamkii KMG oo ku saleysnaa is-barbar-yaac lagu ugaarsanayo kaalmada caalamka,” ayuu intaa ku daray Siciid Ciise.

Prof. Siciid wuxuu ka hadlay maamullada dalka ka jira, isagoo ku sheegay in ay yihiin kuwo qaarkood aan waafaqsanayn sharciyada dalka u dagsan, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay dowladdu ay qaaddo tallaabo ay ku waafajinayso dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dagsan.

Dhanka kale, guddoomiyaha oo ka hadlaya wax-qabad la'aanta dowladda ku tilmaamay in madaxtooyada looga arrimiyo Soomaaliya ay ka taagan tahay hoggaan-xumo, talada dalkana ay isku koobeen koox gaara oo aysan caddeyn siyaasadoodu meesha ay u jeeddo.

“Waxaa muuqata in dowladdu aysan lahayn sir u xafidan, hay’adaha ugu waa-weyn dalkana ay ka howgalaan howl-wadeenno shisheeye ah oo ku dhex milan madaxda sare ee dowladda. Waxaa dhalanteed ku dhamaaday qorshaha dowlada ay u dejisey in dib loogu dhiso dowladnimada Soomaaliya, waxaa gacanta dowlada ka baxay amniga kaddib markii ay kalsooni xumo soo kala dhex-gashay dowladda oo dhinac ah iyo ciidanka iyo shacabka oo dhinac kale ah,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha xisbiga DADKA, Saciid Ciise Maxamud wuxuu u soo jeediyAy in la dhimo ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya, gebi ahaana ay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka sannadka 2014-ka ee soo socda.

“Joogitaanka ciidamadaas waxay caqabad ku yihiin dib u dhiska ciidamada Soomaaliya iyo qalabeyntooda iyo in Soomaalida dhexdeeda ay ka dhalato dib u heshiisiin ku dhisan nabad oo ka madax-bannaan faragelin shisheeye,” ayuu yiri Prof. Siciid Ciise.

Gudoomiyuhu wuxuu khudbadiisa kusoo xiray codsi uu u jeediyey caalamka oo ah in amaah la siiyo dowladda Soomaaliya ee hadda jirta, kaalmadana si toosa loogu fidiyo shacabka iyadoo loosoo marsiinayo hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya dhammaan gobollada dalka.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya