3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Booliiska Puntland oo billaabay Howgallo Ammaanka lagu Xaqiijinayo iyo 94 Maxbuus oo Maamulku uu cafiyay [SAWIRRO]


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xilli ay muddo yari ka harsan tahay munaasabaddii Iidul Fidriga ayaa waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka bilowday howlagallo ay ciidamada Boolisku ammaanka si weyn ugu adkeynayaan.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliska iyo madaxda wasaaradda amniga Puntland oo magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo socon doona muddo labo todobaad ah.

Jen.Maxamed Siciid Jaqanaf  - oo ah taliyaha Booliska Puntland- ayaa sheegay in ujeedada howlgalladani ay tahay si looga hortago in falal ammaanka liddi ku ahi ay dhacaan inta lagu guda jiro ayaamaha Iidka.

Jen. Jaqanaf ayaa intaas raaciyey in ay qabteen gaadiid iyo shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay maleegayeen falal ammaanka wax u dhimaya, kuwaasoo uu sheegay in baaritaan lagu wado. Taliyuhu wuxuu digniin u diray dadka wata gaadiidka aan taarikada lahayn iyo kuwa ay bacaha madoobi muuraayadaha kaga dheggen yihiin.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa munaasabadda Iidda darteed wuxuu cafis u fidiyey ku dhowaad 100 maxbuus oo ku eedeysnaa dembiyo fudud. Maxaabiistan ayaa ku jirey xabsiyada magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacayo.

Maxaabiista lasii daayey oo ay tiradoodu 94-tahay, waxaa 47 laga sii daayey xabsiga Gaal-shire ee magaalada Boosaaso, 33 xabsiga weyn ee degmada Qardho halka 14-ka kale laga sii daayey xabsiyada Garoowe iyo Gaalkacayo.

Ma ahan markii ugu horeysey ee madaxweynaha Puntland uu cafis u fidiyo maxabiis ku jirey xabsiyada waaweyn, haseyeeshee wuxuu dhowr mar oo hore sidan oo kale u cafiyey boqollaal maxbuus oo ku eedeysnaa dembiyo kala duwan.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
8/7/2013 3:32 PM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqay inay maalinta berri ah tahay ciid, waxaana hambalyo ku aaddan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed ra’iisul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

8/7/2013 3:30 PM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Xukuumada Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalka Yemen deeqo waxbarasho jaamacadeed ah, kuwaasoo tiradoodu tahay 100, kuwasoo kala ah waxbarashada sare iyo shahaadaha koowaad ee Bachelor-ka.

8/7/2013 10:01 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Hay’adda gargaarka bani’aadmanimo ee Afrika (HARO) ayaa gargaar raashin ah oo loogu talo-galay sakaatul fidriga ka qaybisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos, iyadoo loo qaybiyay dad dan-yar oo ay ku jireen kuwo indhoolayaal ah.

8/7/2013 8:47 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga horjeedo go’aankii uu ku gaaray bankiga Barclays inuu joojiyo adeegyadii uu u qaban jiray xawaaladaha Soomaalida ayaa maanta ka dhacay magaalada London, gaar ahaan afaafka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron.

8/7/2013 8:17 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay ku gubey inta u dhexeysa magaalada Boosaaso iyo tuulada Kala-bayr labo gaari oo nooca xamuulka qaada ee ay Soomaalidu (Candho-meydlaha) u taqaan ah.

8/7/2013 8:16 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannadkii laabad ee kasoo wareegay markii la aasaasay xisbiga DADKA Soomaaliyeed oo ka mid ah xisbiyadii siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya.

8/7/2013 8:10 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Iyadoo ay maalin keliya ka harsan tahay munaasabaddii Iidul Fidriga ayaa waxaa suuqa weyn ee magaalada Boosaaso laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo xooggan.

8/7/2013 4:57 AM EST
Arbaco, August 07, 2013(HOL) :- Xoogagga Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku qaaday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin lixaad leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

8/7/2013 4:01 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shuruud ku xirtay wareejinta garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubbada Hoose, iyadoo dhawaan ay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somnalia ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Kampala in maamulka garoonka iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

8/7/2013 2:52 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo gaareysa 1,440 dollar ayaa la gaarsiiyay bukaannada ku jira isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

8/7/2013 2:17 AM EST
Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Dab weyn oo aan la ogeyn wixii sababay ayaa saakay oo Arbaco ah ka kacay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyata ee magaalada Nairobi, taasoo keentay in garoonka la xiro tan iyo inta amar kale laga soo saarayo.