6/5/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo, iyagoo ka hadlay Socdaalkooda

Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu ku saabsan yahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ku nool Puntland.

Mudanayaashan oo tiradoodu ahayd toddoba xubnood ayaa waxay kasoo jeedaan dhammaantood Puntland, waxaana socdaalka ay ku tageen Gaalkacyo uu kusoo beegmayaa xilli maamulka Puntland uu ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya.

“Socdaalkeennu waa mid la xiriira sidii aan wax uga ogaan lahayn dadka ku nool deegaannada aan ku matalno baarlamaanka, balse uma imaan inaan kala hadalo Puntland go’aanka ay ku gaartay inay xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo afhayeen u ahaa xildhibaannadii maanta gaaray Puntland.

Xildhibaannadan ayaa waxay kala yihiin: Xasan Abshir Faarax , Maxamed Cabdi Yuusuf, Cabdiladiif Muuse Nuur, Cali Ismacil Cabdi Giir, Adan Sadiiq Maxamed, Cabdullaahi Bile iyo xildhibaanad Saaqo Aadan Gaas.

Sidoo kale, xildhibaannadan waxay sheegeen in iyagoo ka faa’iideysanaya muddada halka bil ah ee uu baarlamaanku jiro fasaxa inay la joogaan qaar ka mid ah ehelladooda iyo qoysaskooda oo ku nool Puntland.

“Baarlamaanku fasax bil ah ayuu ku jiraan, waxaan doonaynaa inaan inta uu fasaxa yahay uga faa’iideysanayo inaan qoysaskeenna iyo ehelladeena aragno, sidoo kalena aan wax badan ka ogaanno xaaladda dadka aanu ku matalno baarlamaanka” ayuu xildhibaan Yuusuf mar kale u sheegay koox wariyeyaal ah oo uu kula hadlay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf ayaa sheegay inay kulammo la yeelan doonaan isimada iyo waxgaradka Puntland iyagoo kala hadli doona sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo xasilloonida iyo ammaanka Puntland.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in xildhibaannadan lagu wado inay la kulmaan madaxda Puntland si ay ugala hadlaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Puntland oo dowladda qayb ka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/6/2013 3:19 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

8/6/2013 3:00 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

8/6/2013 10:39 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si kadis ah kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport ee magaaladda Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay.

8/6/2013 10:15 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kulan looga looga hadlay ammaanka iyo sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay'adaha ammaanka ayaa maanta lagu qabtay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

8/6/2013 10:02 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

8/6/2013 10:00 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayey dadweyne faro badan oo buux dhaafiyey suuqyadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 7:50 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

8/6/2013 7:19 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

8/6/2013 6:48 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

8/6/2013 6:28 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

8/6/2013 2:38 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

8/6/2013 2:24 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 2:16 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

8/6/2013 2:11 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo kuwo toos ah oo ay habeen ka hor la beegsatay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.