4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Ururka Dhallinyarada GARGAAR oo deeq lacageed gaarsiiyay dad danyar ah oo ku nool Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

Lacagtan ayaa loo  soo wakiisha Ustaad Max'uud Cismaan Xassan waxaa ka faa'ideystay dad danyar ah oo isugu jiray, Idhoolayaal, Cuuryaan iyo waliba dad Da'ah oo siweyn ugu baahnaa in ay hellaan kaalmada la soo gaarsiiyay.

Ustaad Max'uud oo la hadllayay HOL ayaa sheegay in gargaarka ay soo dirreen dhalinyarro ku dhaqan Qaarada Yurub oo ku mideysan urur lagu magacaabo Gargaar, kuwaa  oo ugu talagalay in maalmaha Ciidda farxada kala qeyb-qaataan dadka danyarta ah bulshada inteeda kale.

“Dadka aan deeqda gaarsiinay waxaa ka soo xulnay qeybaha bulshadu ka kooban tahay, waana dad laga soo kala xulay xaafaddaha magaalada, waliba waxaa is leenahay waa dadkii ugu soo liitay ee sida weyn ugu baahnaa kalmada,'' ayuu yiri Ustaad Max'uud Cismaan.

Dadkii ka faa'ideystay deeqda ayaa siweyn u soo dhaweeyay kaalmada ay la soo gaarsiiyay, iyaga oo sheegay in lagu soo beegay waqti ay siweyn ugu baahnaayeen, iyaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay Ururka dhalinyarrada Gargaar oo deeqda u soo dirray.

Sanadkii hore Bishan Ramadaan ayeey dhalinyarradan ku mideysan Ururka Gargaar waxaa ay qabteen Tartan Qur'aan Aqris ah oo Abaal-marinno lagu gudoonsiiyay Ardeydii kaalmaha ka gashay Tartanka, laakiin sanadkan ayeey sheegeen in taa badalkeeda kaalmeynayaan dadka aan awoodin in ay ka qeyb-qaataan farxada maalinta Ciidda.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya