4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Heshiis Dhex-maray Dowladda Somalia iyo Sharikad Sahminaysa Shidaalka oo laga leeyahay Dalka Britain (SAWIRRO)


Talaado, August 06, 2013 (HOL) —  Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD,
www.somaoilandgas.com.

Heshiiska waxaa uu u ogalaanayaa sharikaddan inay ka sahmiso Soomaaliya baaris shidaal, soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.

“Qorshahan waa mid la doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha dalka sidoo kalena lagu soo saaro khayraadka dalka, wuxuuna sidoo kale heshiiskan sare u qaadayaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain,” ayuu wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu la qabtay madaxa shirkaddaas.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu xoojinayo dhaqaalaha dalka, isagoo xusay inay qayb ka yihiin heshiisyo lagu soo celinayo howlihii tamarta Soomaaliya.

Madaxa shirkadda Som Oil oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heshiiskan uu la saxiixdo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu yahya mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dowladda Soomaaliya ay la gasho shirkad laga leeyahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, iyadoo ay horay madaxda dowladdu horay u sheegeen inay ka shaqeynayaan loo soo saari lahaa khayraadka dalka.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya