4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Wadahadallo u dhexeeya dowlada Somalia iyo Maamulka Jubbaland oo lagu wado inay ka furmaan Magaalada Addis Ababa


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, C/llaahi Sheekh Xasan (Fartaag) oo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kula hadlay shalay warbaahinta ayaa sheegay inuu Addis Ababa kaga qaybgalayo wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland.

“Safarkeygu wuxuu ku wajahay yahay magaalada Addis Ababa oo uu ka furmi doono dhawaan wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland, waxaana rajeynaynaa inay noqdaan kuwo guul kusoo dhammaada,” ayuu Fartaag ku sheegay hadalk uu warbaahinta siiyay.

Fartaag wuxuu sheegay in shacabka Jubbooyinka uu kula dardaarmayo inay isku xirnaadaan oo ay nabadda ilaaliyaan, isagoo sheegay in rajo weyn uu ka qabo in kulanka ka dhacaya Addis Ababa uu noqdo mid ay isku afhamaan maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Ma jiro hadal ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyadoo aan la ogeyn sidoo kale cidda uga qaybgalaysa, balse waxaa horay u jiray in wadahadallo qarsoodi ahaa ay horay ugu dhexmareen dowladda iyo maamulka Jubbaland magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Balse xilli dambe oo ay wadahadalladaasu dhaceen ayaa waxaa soo baxay in wafdi wasiirro ah oo uu horkacayay wasiir u dowlaha madaxtooyada Somalia Faarax C/qaadir ay kulammo kula qaateen Addis Ababa hoggaamiyaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo aan la faahfaahin qodobbadii ay ku heshiiyeen.

Lama oga in wadahadalladan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya iyo in kale, laakiinse waxay kusoo beegmayaa xillli uu soo baxay khilaaf cusub oo ku saabsan cidda maamulaysa dekedda iyo garoonka diyaaradha ee Kismaayo, iyadoo shir ka dhacay Addis Ababa lagu go’aamiyay in maamulka labadan xarumood lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe ayaa arrintan si xoog leh ugu gacan-saray, isagoo sheegay in dekedda iyo garoonka Kismaayo ay la mid yihiin kuwa kale ee dalka ku yaalla, cid gaar ah oo lagu wareejinayana aysan jirin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya