6/5/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Kulan looga hadlay sidii Hay'adaha Amniga iyo Dhallinyardu wadashaqeyni u dhexmari lahayd oo lagu qabtay Muqdisho


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kulan looga looga hadlay ammaanka iyo sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay'adaha ammaanka ayaa maanta lagu qabtay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen 200 oo dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa soo qabanqabisay ha’yadda CCD, iyadoo ay sidoo kale ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir iyo xubnaha ugu sarreeya ururada dhallinyarada ee degmooyinka gobolka.

Guddoomiyaha degmada Waabari, Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo ka hadlay kulanka ayaa xusay inuu yahay mid muhiimad u ah dhallinyarada,  isagoo caddeeyay in dhibaatada xilligan dalka ka taagan ay tahay mid ku hartay dhallinyarada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhallinyarada laga rabo inay si wanaagsan uga shaqeeyaan amniga, hase ahaatee ay jiraan kuwo kale oo dhibaatada wada, wuxuuna xusay in dhallinyaradu mustaqbalka mugdi ku socdo, haddii aysan ka shaqeyn ammaankoodana uu dhibka kusii badanayo.

"Shirkan waa muhiim, gaar ahaan dhallinyarada maanta oo dhibaatada ugu badan ay haysato, dhallinyarada waxaa laga rabaa inay mumustaqbalkooda wax ka qabtaan kuwa mugdiga ku socdana ay kasoo celiyaan," ayuu Axmed Faal ka sheegay kulanka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cusmaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in doorkii dhallinyarada la tabay, loogana baahan yahay dhallinyarada inay la yimaadaan waxqabad buuxa, ayna la shaqeeyaan hay’adhaa amaank si amniga loo sugo.

"Haddii qofka uu arko qof dhibaata wada hasoo sheego, taasina waxay keeni kartaa iskaashi dhexmara dhallinyarada iyo hay'adaha amniga," ayuu si cod dheer ah ku yiri afhayeenka gobolka Banaadir.

Taliyaha saldhigga booliiska degmada Waabari, Cabdifataax Sabriye Xasan oo ka hadlay kulanka ayaa isaguna sheegay in kulankan uu yahay mid dhaxal-gal ah, ammaanka degmada iyo isku-xirka dhallinyaradana muhiim u ah, isagoo ugu baaqay dhallinyarada inay keenaan xogaha ku saabsan kuwa dhibaatada iyo qal-qal-gelinta shacabka ku howlan, si gacanta loogu soo dhigo.

Kulanka ayaa dhallinyarada ka qayb-gashay oo ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir waxay ku ballan-qaadeen inay si hufan ammaanka uga wada-shaqeynayaan, ciidamadana ay gacan ku siinayaan sidii ammaanka loo sugi lahaa.







 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/6/2013 3:41 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu ku saabsan yahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ku nool Puntland.

8/6/2013 3:19 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

8/6/2013 3:00 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

8/6/2013 10:39 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si kadis ah kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport ee magaaladda Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay.

8/6/2013 10:02 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

8/6/2013 10:00 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayey dadweyne faro badan oo buux dhaafiyey suuqyadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 7:50 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

8/6/2013 7:19 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

8/6/2013 6:48 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

8/6/2013 6:28 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

8/6/2013 2:38 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

8/6/2013 2:24 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 2:16 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

8/6/2013 2:11 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo kuwo toos ah oo ay habeen ka hor la beegsatay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.