6/5/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Magaalada Hargeysa oo dad la ciir-ciiraysa & diyaar-garow loogu jiro ciidda oo si aad ah looga dareemayo (SAWIRRO)


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayey dadweyne faro badan oo buux dhaafiyey suuqyadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

Maalmaha ciidda ay ka hadhsan yihiin maalmo kooban ayaa waxa camiran inta badan meheradda iibiya dharka iyo qalabka caruurtu ku ciyaarto, kuwaas oo safaf dhaadheer loogu jiro  meheradaha iibiyey dharka iyo agabka guryaha lagu qurxiyo.

Dadweynaha ka sakow waxa iyaguna wadooyinka iyo suuqyada buux dhaafiyey gaadiid yar yar iyo wawyen iskug jira, kuwaas oo daad guraynaye dadweynaha, waxaanad arkaysaa dadweyne siigalaya iyo kuwo ka soo baxaya oo aan marnaba buuq yaraan ku arkayn suuqyadda dhexdeedda.

Maalmahan oo kale waxa iyaguna suuq fiican ka helay gaadiidka dadweynaha gura ee loo yaqaan Basas kuwaas oo hadh iyo habeenba kala joogsan, isla markaana dadweynihii raaci jiray ay tuban yihiin wadooyinka hareeraha ka dib markii Basaaskaasi oo buuxaa dhaafayaan, taasina ay ku adkaatay inay si dhibyar iyo wakhti kooban ku gaadhaan meelihii ay u socdeen.

Cidhiidhiga suuqa ka jira ayaanad awoodi Karin inaad si dhibyar hawlahaagu kugu dhamaadaan, waxaana gabi ahaanba wadooyinka tuban dad iyo gaadiid is garab socda, waxa kale oo iyaguna shaqo adag qabta maalmahan oo kale ciidanka amniga oo ilaaliyaha goobaha suuqa .

“Dadku aadbay ugu soo qulqulayaan suuqa waxaana maalintiiba ku baayacaya boqol qof halka waxyari uun ka iibsanayaan waxaad hayso, marka dadku way isdaba wareegayaan uun, laakiiin aadbaa loo cabiray oo meel kasta dad baa buuxiyey”ayey tidho mid ka mid dadka ganacsiga oo ka wamay sida wax loo kala iibsanayo iyo camirnaanta suuqa.

Sidoo kale; dadweynaha danyarta ah ayaa iyaguna ka cabanaya sicir bararka dharka caruurta ku yimid sanadka, oo ay sheegeen in aan la goyn karin, isla markaana lacagtii Somaliland aanay wax badan kuu jireen, maadaama oo inta badan wax lagu kala iibsanyo Doolarka Maraykanka.

“Dhawrkii iyo agabkii caruurtii ku ciyaari jirtay ayaa qaali garoobay, waxaanay shay kaliyga oo aad iibsataa kugu kacayaa 40 dollar taasina waxay keentay in qoyskii caruur badan lihi goyn kari waayo wax uu caruurta kaga farxiyo”ayey tidhi Hooyo Saynab Maxamed ka hadlaysay qaaliga ku yimid dharkii caruurta.

Ciidan soonfur ayaa inta badan dadku wax badan iibsadaan, waxaana dhar loo iibiyaa caruurta, halka guryahana qalab lagu qurxiyo loo soo iibiyo.

Sidoo kale, waxa iyaguna maalmahan sidan oo kale ah ka faa’idaysta dakhli fiicana usoo hotoyataa gaadiidka Basaska loo yaqaan ee daad gureeya dadweynaha u kala socda suuqyada iyo xaafadaha magaalooyinka, waxaanad arkaysa inay mar walba buuxaan iyagoo dadkii wadooyinka tuban yihiin.

“Haa dadweynuhu aad bay u raacan basaska, habeen iyo maalina ma nasano oo waanu ordaynaa heer waxaanu gaadhnay in Aroortii aanu soo kici kari wayno oo hebelow iga horee iyo iga horee la isku yidhaa, marka ma nasano runtii  “ayuu yidhi mid ka mid ah gaadiidleyda oo ka waramayey siday u shaqeeyaan.

Sidoo kale, waxa iyaguna dadweynihi hore u joogay wadanka ku soo kordhay qurbo joog faro badan oo ka yimid daafaha dunida kuwaas oo wata caruur aad u faro badan, isla markaana siisiyaadiyey cidhiidhigii suuqyada iyo wadooyinka.

“Waxaan ka imid Yurub waana markii ii ugu horeysay ee aan Hargeysa yimaado runtiina magaaladu waxay noqotay magaalo weyn oo camiran oo cid walba iskugu timid,marka aad baan ugu faraxsanahay inaan Hargeysa ku ciiddo”sidaas waxa tidhi Khadra Yaasiin oo ka hadlaysay waxay Hargeysa ku aragtay.

Waxaa buuxa hoteeladdii magaaladda iyo maqaayadaha lagu caweeyo oo ay buuxiyeen Qurboojoogtu, taas oo aanad ka helayn meel aad ka fadhiisato, waxa xusid mudan in marka aad soo gasho aad ku arkaysid dhalinyaro koox kooxo u fadhiya oo ku hadlaya luuqado kala duwan, waxaana markiiba dareemaysaa in intii isku dal ka timid dhinac u wada sheekaysanayaan ama isku sheeko fahmayaan, iyago inta badana luuqado ajanbi ah ku wada sheekaysanayaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, ganacsiga magaaladda Hargeysa ayaa kor u kac weyni ka muuqdaa, waxaanay dadku ku mashquulsan yihiin inay wax iibsadaan, iyagoo goob kasta oo aad martaba aad arkaysay iyadoo camirtantahay oo wax la iibsanayo, waxaanay inta badan Ciidda Soonfurtahay maalamaha dadku si balaadhan wax u iibsadaan taasoo dhaqaale fiican oo saamaysay bulshadda u keenta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/6/2013 3:41 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu ku saabsan yahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ku nool Puntland.

8/6/2013 3:19 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

8/6/2013 3:00 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

8/6/2013 10:39 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si kadis ah kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport ee magaaladda Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay.

8/6/2013 10:15 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kulan looga looga hadlay ammaanka iyo sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay'adaha ammaanka ayaa maanta lagu qabtay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

8/6/2013 10:02 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

8/6/2013 7:50 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

8/6/2013 7:19 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

8/6/2013 6:48 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

8/6/2013 6:28 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

8/6/2013 2:38 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

8/6/2013 2:24 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 2:16 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

8/6/2013 2:11 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo kuwo toos ah oo ay habeen ka hor la beegsatay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.