6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Shirkii Waddamada ay Ciidammada ka joogaan Soomaaliya oo laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka Dekkadda iyo garoonka dayaaradaha ee Magaalada Kismaayo


Isniin
, August 5, 2013—Shirkii ka socday Magaalada Kampala ee ay lahaayeen waddama ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya  iyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay shirkana laga soo soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 39 qodob, kaasi oo aan idiin soo koobnay qodobbadiisa.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah qodob ku saabsan in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo sidoo kalena la soo dhaweeyay wada hadallada u billowday Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiintii ka socday Gobollada Jubbooyinka.

 

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in wada hadallada Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Jubbaland uga billowday Addis Ababa la sii wado, isla markaana ay wada hadalladaas noqdaan mid laga wada qeybgalo.

 

Qodobada kale ee muhiimka ah ee shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in la taageeray Midnimada, madaxbannaanida iyo soohdimaha dhuleed ee dalka Soomaaliya, iyadoo la isku raacay in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaheeda ku aaddan maamul-u-sameynta dalka.

 


Sidoo kale waxaa shirka lagu ammaanay guulaha ay Ciidamada Amisom, kuwo Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka gaareen soo celinta nabadgelyada Soomaaliya, gaar ahaan la-dagaalanka Xoogagga Al-Shabaab.

 

Shirka waxaa lagu cambaareeyay weerarro ismiidaamin ah oo ay dhawaan Al-Shabaab ka geysatay Soomaaliya, wuxuuna war-murtiyeedka ugu baaqay dalalka ka qeybqaadanaya soo celinta nabadgelyada Soomaaliya in la sii wado la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in Maleeshiyooyinka Soomaalida dhammaantood la ciidameeyo, isla markaana tababarro loo furo, marka laga reebo kuwa Al-Shabaab waa sida lagu xusay War-murtiyeedka ay soo saareen dalalka ay Ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee kulanka uu ugu soo dhammaaday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Madaxdu waxay soo dhaweeyee cunaqabateyntii uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku soo rogay dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya, waxayna taasi ku soo beegmeysaa iyadoo Dekedda Kismaayo ay weli ka socoto dhoofinta dhuxusha.

 

Madaxdu waxay mar kale ku celiyeen doorka ay ciyaarayaan Dowladaha IGAD iyo kuwa  AU ee ku aaddan howlgalka nabad-sugidda Soomaaliya iyo ciidamo u dirista Soomaaliya, iyadoo madaxdu ay boogadiyeen Ciidamada dheeraad ah oo ay dhawaan dalalka Kenya, Djibouti iyo Siera Leone ay u direen Soomaaliya.

 

Shirka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Uganda ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka socotay Dowladaha Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Siera Leone, wuxuuna shirkooda  ku xigay shir ay magaalada Kampala ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

 

War-murtiyeedkan oo aad u dheeraa oo aan qodobada muhiimka ah ka soo qaadannay waxaa hoosta uga saxiixnaa:



H.E. GABRIEL NIZIGAMA, Wasiirka Ammaanka guud ee Burundi

H.E. HASSAN DARAR HOUFANEH, Wasiirka Gaashaandhigga Djibouti

H. E. MR. HAILEMARIAM DESALEGN, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

H. E. UHURU KENYATTA, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya

H.E. HASSAN SHEIKH MOHAMUD, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya

H.E. ANDREW GBEBAY BANGALI, Xoghayaha joogtada ee Siera Leone uga wakiilka ah AU

H.E. YOWERI KAGUTA MUSEVENI, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda

H.E. AMBASSADOR MAHAMAT SALEH ANNADIF, Wakiilka gaarka ah ee AU-da u qaabilsan Somalia

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

 













Click here
8/4/2013 4:24 PM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan labaatmaeeyo qarax ayaa caawa siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo geystay khasaare inta la hubo dhaawacyo ah, waxaana qaraxyadn qaarkood lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

8/4/2013 4:06 PM EST
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa faahfaahin ka bixiyey mowqifkiisa ku aadan xisbiga HIIL QARAN iyo taariikhda Soomaaliya iyo Somaliland isaga oo jooga dalka Koofur Afrika

8/4/2013 2:59 PM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Shirkii madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa caawa fiidkii lagu soo gabgabeeyay magaalada Kamapla ee xarunta dalka Uganda, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

8/4/2013 2:40 PM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Guddi Salaadin ah oo isku xil saartay inay isku soo dhowaynayaan golaha wadatashiga iyo toosinta oo dhowaan Hargeysa lagaga dhowaaqay iyo xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in waanwaantii ay wadeen ay ku diideen golahaasi, isla markaana golahaasi sharci daro yahay.

8/4/2013 10:41 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kula kulmay Kampala madaxweynaha Kenya, madaxweanha Uganda, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka furmay Uganda.

8/4/2013 10:27 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ururkii burburay ee Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir, isagoo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

8/4/2013 10:22 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Hay’adda Daryeel Bulsho Guud ee (DBG) ayaa maanta ku wareejisay saddex iskuul oo dayactir ku sameysay xubno ka socda waaxda caafimaadka ee wasaaradda ururro ka shaqeeya iskuullada.

8/4/2013 10:07 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Xili siweyn guud ahaan muslimiinta ku dhaqan dunida gaar ahaan Soomaaliya u dyaar-garoobayaan munaasabada Ciiddul-fidriga oo maalmo kooban uu ka dhiman yihin, ayuu ugu baaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo in dadka wax heysta caawiyaan walaalahooda kale ee danyarta ah si ay uga qeyb-qaataan farxada maalinta Ciidda.

8/4/2013 10:02 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) - Qaar kamid ah hogaamiyayaasha muslimiinta dalka Kenya ayaa si cad u taageeray tallaabadii ay dawlada Britain ku mamnuucday qaadka oo lagu tilmaamay in amniga Britain uu wax u dhimayo.

8/4/2013 8:52 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Wariye Mascuud Cabdullaahi Aadan oo ahaa wakiil wareedkii Radio Dalsan ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta loo diiday inuu u safro magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo loogu waday in looga qalo dhabarka oo ay xabbadi uga jirto.

8/4/2013 8:52 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ururka horumarinta dhallinyarada ee SYP ayaa maanta ku qabtay Muqdisho dood-cilmiyeed ku qabatay looga hadlayay sida mashaa'ikhda Soomaaliyeed ay ugu hoggaamin lahaayeen dadka faham wanaagsan oo dhinaca diinta ah.

8/4/2013 7:29 AM EST
Axad, August 04, 2013(HOL) :- Xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dadka naafada ah ee ku nool dagmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa deeq lacageeed u qeybiyey Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Somali Disables Development Innitiative link(SODDIL)ee fadhigiisu uu yahay degmadaasi,xiili naafada ku dhaqan degmadaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ay ka cabanayaan xaalad nolol xumo iyo shaqo la,aan.

8/4/2013 6:51 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Xilli maalmo yar ay ka harsanyihiin munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa waxaa diyaargarow ku aadan munaasibaddaasi laga dareemayaa suuqyada waaweyn ee magaalada Kismaayo.

8/4/2013 3:28 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan looga hadlayay ammaanka la yeeshay wasiirro iyo taliyeyaasha ciidamada dowadda, isagoo xalay kormeer ku sameeya isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood.

8/4/2013 3:12 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan dheer la qaatay dhiiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyadoo kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Uganda ay kaga hadleen arrimo badan.