4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
"Mabaadii'da HIIL QARAN ayaan ku socondoonaa ilaa iyo inta taarikhda aadmigu jirto" Wareysi Cabdi I. Samatar

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar “Haddii reer woqooyi ‘Somalialand’ la yimaadaan mabda’a Soomaalinimada waa ballan inay dalka u talin doonaan”

Axad, Agoosto 04, 2013 (HOL) - Xoghayaha guud ee xisbiga Hiill Qaran Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ahna macallin ka tirsan Jaamacadaha Minnesota ee dalka Mareykanka iyo jaamcadda Pretoria ee wadanka South Africa ayaa wareysi dheer oo uu bixiyay wuxuu diirada ku saar aarimo ay ka mid yihiin midnimada Soomaaliya, walaalkiisa Prof. Axmed ismaaciil iyo dhaliilihii uu ku taageeri waayay dowladihii hore.

Wareysigan oo uu siiyay Boorame News, ayuu Cabdi Samatar mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd inuu wax ka ogyahay in walaalkiis Prof. Axmed ka tanaasulay mabda’ii SOomaalinimada oo ay ku dagaalami jireen 22 sano ee la soo dhaafay wuxuu yiri

“Ma dhageysan wararka la soo sheegayo,  isma lihi Axmed dareenkii Soomaalinimo ayaa ka baxay, dadkeena Soomaaliyeedna hadalka ma hubsaan, ku-tiri-ku-teentuna waxay ku dhammaataa waxaan la garaneyn.  Markii aan isaga arko ayaan ogaan doonaa waxay dhabtu tahay.

“Inaga waxaa nala yiraahdaa xisbiga Hiil Qaran, waxaan nahay xisbiga magaladda caasimada ah ee Muqdisho xaruntiisa ugu weyn tahay, mabda’iisana  ay ugu weyntahay  Soomaalinimo iyo Islaanimo oo ka turjumeysa dadka SOomaaliyeed oo wadaaga 99% dhaqan, diin iyo dadnimo, mana jirto Africa meel sidaas ah”

Markaa Mabda’eena Soomaalinimada iyo islaanimada ah waa in dadkaas la isku hayo, waa walaalo, Soomaalino ayay waalalo ku yihiin, Islaanimo ayay walaalo ku yihiin, dhaqanbey ku walaalo yihiin… Doqonimo way noqon doontaa qofkii  ama dadkii isku daya inay taa  kala fur-furaan, dhiilada iyo dhibka na heystana kala fur-furka ayaa keena, sidaa daraadeed Hiil Qaran waa sidaas Aniguna xoghaye ayaan u ahay, waana ku soconeynaa mab’daeena ilaa inta taariikhda bini’aadamku dhammaaneyso”

Prof. Cabdi Samatar oo ka jawaabayay su’aal kale oo la xiriirta in gobolada woqooyin aysan marna helin madaxtinimada dalka, taasina tahay waxyaaha keenay gooni isku taaga ayaa yiri;

“Waa sax,ma imaan madaxweyne reer woqooyi ah, laakiin Soomaalidu wax walba madaxweynaha ayay u  heystaan, markii dimoqraadiyada la aha madaxweynaha waxaa ka awood badan Ra’isul Wasaaraha sida Dastuurku qabo, Af Ingriiska waxaa lagu yiraahda (Executive Prime Minster ) waxaan kuugu bar-bar dhigayaa Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal iyo allaha deystee C/risaaq Xaaji Xuseen oo labaduba wadanka gacanta ku hayay, madaxweynuhu saxiix kaliya ayuu lahaa.

“Haddii aan dooneyno inagoo ah reer woqooyi ah inaan umadda u talino  waa inaan la nimaanaa umada isku duuban oo  wadata madb’adeeda Soomaalinimo, islaamino iyo gobol reer woqooyi la yraahodo oo mid ah waxaa balan ah inaan dalka u talineyno madaxna noqoneyno” ayuu sharraxay Prof. Samatar.

Mar la weydiiyay waxyaabaha keenay inuu dowlad kasta ka soo horjeesto ama uu mucaarado wuxuu isagoo qoslaya, isla markaana taariikh ahaan dib u eegaya sababaha keenay inuusan taageero siin  uu ku jawaabay 

“Dadkeena aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisu ma badna.. Qofku haddii uu wadani yahay ra’yihiiga ayuu ka dhiibanaya, marka haddii aan iraahdo waxaas ayaa khaldan, wixiina khalad dhab ah yahay, ma in laga aamusaa, mise waa in la sheego?

Isagoo soo daliishanaya Xadiithkii Nabigeenna Muxamed NNKH ee ahaa in xumaanta la suuliyo ayuu sheegay inuu wixii qaldan uu tilmaami jiray laakiin aanu mucaarad aheyn.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre

“Buugeygi ugu horeeyay wuxuu soo baxay 1989 intii aanu bur-burku dhicin, waxaan ku qoray in Soomaaliya ay u dhammaaneyso haddii dowladda Maxamed Siyaad iyo qoylyaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ah ee qabiilka ku dhisan ay wadaan dilka, dhaca, walaal la’aanta, musuq-maasuqa  iyo iimaan la’anta , tiibaa dhacday, Illaahey ayaana I waafajiyay inaan cabiro.

Ma waxaa la fili lahaa inaan mucaarad ahay ama  inaan gurbaan tumo oo aan guul-wadoow siyaas qaado ayaa wanaag noqon laheyd?

Jabhadihii SNM, SSDF iyo USC

Wuxuu yiri “wixii ka dambeeyay, Markii Xamar ay qaraxday oo qolooyinka qab-qablayaasha iyo jabhadihii SNM, SSDF iyo USA waxaan Mareykanka ku qabanay barnaamij, waxaana niri “Kuwan ma arkeysaan?  wax wanaaga ah oo ay soo wadaan ma jirto, waayo hadduu wanaaga jiro marka ugu horeysa inta magaalada la qabto ayaa dadka nabad lagu soo dabbaali lahaa.

Laakiin anigaa madaxweyne noqonaya iyo anigaa noqonaya iyo anigaa gobol goosanaya ayaa dadkii gam (eber) looga dhigay, miyaa marka Soomaaliyeey taas laga aamusi lahaa?

Qab-qablayaashii

Qofka kaliya ee ammaani karay kuwaas wuxuu ahaa qof u adeega iyaga, wayo waxay ahaayeen gacan ku dhiigleyaal, anigu waan diiday inaan xitaa la tukado, waayo dad dil salaad laguma xiran karo.

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan

Cabdiqaasim ayaa yimid, Soomaali oo dhan ayaa wax mooday dowladiisa, waxaan niri hala taageero, laakiin iyaga ayaa taageeradii muteysan waayay, laakiinse haddii qofku taageerada muteysan waayay ma  in durbaanka loo tumaa? Mise waa in dadka xaqa loo sheego?

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

“C/llaahi Yuusuf ayaa yimid oo Itoobiyaan u yeertay, Allaha u naxariistee waraaqad ayaan u qornay maalintii uu iibsaday meesha (Madaxweynenimada), waa la wada iibsadaa meesha, kuwan jooga waa iibsadeen, kuwii hore waa iibsadeen, dhammaana waa ceynkaas  ee dad soomaaliyeed oo codeynayaa ma jiraan ayaan C/llaahi ku niri inta Xamar ka degtid waxaana tiraahdaa “Wixii aan dambi soomaali ka galay ha la I cafiyo, maantana aan isla jaan qaadno”

War bahasha (Waraaqadda) yaa soo qoray ayuu yiribaa la yiri ee iga tuura  Cabdllaahi “ayuu yiri Samatar

Maxaakiimtii

Maxaakiimta waan taageernay, weliba anigu waxaan ahaa dadkii dibada ka yimid kuwoodii waqtiga ugu badan ku khasaariyay, waayo dadkii oo soo hiloobay, magaaladii xamar oo nabad noqotay waxay weynbey aheyd, laakiinse, talo waa lagu kari waayay wadaadada.

Waxaan ku niri gubaankan  aad tumaneysaan ee aad hadba meel ka dhaceysaan iska daayo ee horta Xamar iyo Banaadir ha la nadiifiyo Soomaali wada lugeyneysa ayaa Xamar imaan doont ee maamul ha loo sameeyo.. Lix bilood ayaan Sheekh Shariif baryeynay  oo kulaa meeshan mamul ha loo sameeyo, adinkuna dusha ka ilaaliya haddaad maxaakiim tihiin, farsamadii magaalo lagu maamuli lahaa malihidiine. Taasi taagero waa ku jirtay, dhaliilna waa ku jirtay.

Qolyaha imimka yimid (Madaxweyne Xassan SHeekh iyo Dowladiisa)

Qolooyinka iminka yimid, waanu u duceynay, welina waan u duceyneynaa, Xamar waxaan ka imid bishii June,  laakiin iyagu ma oggolaan doonaan inay sidii xaqa aheyd umada u maamulaan? Haday sidii xaqa aheyd uma maamuli waayayaan iyagana runta ayaan u sheegeynaa”

Wareysigan oo sidoo kale Prof. Cabdi Samatar  uu  fikirkiisa ku cabiray arrinta Jubaland, Dastuurka, xeerka cusub ee saxaafadda iyo taariikhda guud ee gobolada dalka iyo siday u midoobeen waxaad ka daawan kartaan halkan.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota