4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Shirkii dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia oo lasoo gabagabeeyay iyo War-murtiyeed laga soo saaray (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Shirkii madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa caawa fiidkii lagu soo gabgabeeyay magaalada Kamapla ee xarunta dalka Uganda, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

Madaxdii shirkan ka qaybgashay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale waxaa la ammaanay doorarka ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyadoo laga dalbaday inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay ciidameeda dib ugu dhisi lahayd iyo sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM loogu heli lahaa tasiilaadka ay u baahan yihiin.

War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadallada ay kula jirto dhammaan qeybaha kala duwan ee goboladda Jubbooyinka, isla markaana ay dowladda maamulkeeda wada-gaarsiiso dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, war-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in AMISOM iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka iibsadaan ganacsatada Soomaaliyeed raashinka iyo qalabka ay u baahan yihiin, lana joojiyo in dibadda laga keeno.

Waxaa kaloo war-murtiyeedka lagu xusay in AMISOM ay ka shaqeyso sidii ciidammo isku-dhaf ah loo geyn lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay hadda ka howlgalaan ciidammo ka kala socda dalalka Kenya iyo Sierra Leone.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay horumar sameytay 11-kii bilood ee ay jirtay, ayna u baahan tahay in laga caawiyo sidii ay dalka oo dhan maamulkeeda ugu fidin lahayd.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh wuxuu madaxweynaha Uganda ku ammaanay kaalinta uu ka qaatay sidii Soomaaliya ay horumarkan u sameyn lahayd, iasgoo sheegay in dalkiisu uu ahaa dalkii ugu horreeyay oo ciidamada u soo diro Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya