4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Qaraxyo Khasaare geystay oo caawa Siyaabo kala duwan uga dhacay Qaar ka mid ah Degmooyin Gobolka Banaadir

Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan labaatmaeeyo qarax ayaa caawa siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo geystay khasaare inta la hubo dhaawacyo ah, waxaana qaraxyadn qaarkood lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadan oo isugu jiray kuwo miino iyo bambooyinka gacmaha laga tuuro ayaa waxay ka kala dhaceen, degmooyinka, Hodan, Dharkeynley, Wadajir, Waaberi, Kaaraan, Yaaqshiid iyo kuwo kale.

Inta la ogyahay waxaa la dhigay isbitaallada Muqdisho dhaawacyada in ka badan 10-qof oo isugu jiray dad shacab ah iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxyadii kala duwanaa oo caawa ka dhacay Muqdisho.

Goobaha ay qaraxyadan ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Ex-koontarool Afgooye, xaafadda Say-biyaano, isgoyska Zope, isgoyska KM-4, isgoyska Sanca, xaafadda Buulo-xuubeey, agagaarka saldhigga degmada Waaberi iyo goobo kale oo fara badan.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso qaraxyadan, balse Al-shabaab ayaa ku hanjabaysay maalmahan inay qaraxyo is-daba-joog ah ka geysanayso degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa waxay ahaayeen kuwii ugu faraha badnaa oo habeen qura ka dhaca Muqdisho tan iyo markii xoogagga Al-shabaab laga saaray xarunta Soomaaliya muddo laga joogo laba sano.

Shacabka Muqdisho ku nool ayaa aad isku weydiinayay qaraxyada caawa ka dhacay meelo badan oo Muqdisho ka tirsan, iyadoo tani ay cabsi weyn gelisay qaar ka mid ah dadka ku nool degmooyinkii ay qaraxyadu ka dhaceen.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya sheegay qaraxyada kaddib inay billowday howlgallo ay ku sugayso ammaanka, inkastoo mas’uuliyiinta dowladdu aysan ka hadlin qaraxyadii caawa dhacay iyo khasaarihii ay geysteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya