5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Madaxda Somalia, Kenya, Itoobiya iyo Uganda oo kulan Wadajir ah ku yeeshay Magaalada Kampala (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kula kulmay Kampala madaxweynaha Kenya, madaxweanha Uganda, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka furmay Uganda.

Shirka ay yeesheen Xasan Sheekh, Uhuru Kenyatta, Hailemariam Desalegn iyo Yoweri Museveni ayaa diiradda lagu saaray sidii shirka ay yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu u noqon lahaa mid miro-dhal ah.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dalka muddadii ay jirtay, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal waara loo helo, kuwaasoo ay ka mid ah yihiin sidii Al-shabaab looga saari lahaa dalka, sidii ciidamada Somalia loogu heli lahaa dhaqaale iyo hubkii ay ku howlgali lahaayeen.

Sidoo kale, madaxdu waxay isla garteen inay muhiim tahay in AMISOM loo helo tashiilaadyada ya u baahan yihiin si ay amniga iyo kala dambeynta Soomaaliya oo dhan u soo celin lahaa maadaama ay hadda gobollo badan ka howlgalaan.

Dhanka kale, kulanka ay madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya aya lagu wadaa in saacadaha soo socda la soo gabogabeyn. Madaxweynaha yaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doono shirka taasoo uu uga mahad-celin doono dalalka ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxuu ka warbixin doonaa horumarka lagu tallaabsaday tan iyo markii dowladda Soomaaliya la dhisay, isagoo si gaar ah uga hadli doona dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, tababarrada joogtada ah ee ciidammada  Soomaaliya iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya