6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Hay’adda DBG oo Iskuullo ay dayactir ku sameysay ku wareejisay Ururro ka shaqeeya Iskuullada iyo Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Hay’adda Daryeel Bulsho Guud ee (DBG) ayaa maanta ku wareejisay saddex iskuul oo dayactir ku sameysay xubno ka socda waaxda caafimaadka ee wasaaradda ururro ka shaqeeya iskuullada.

Munaasabadda lagu wareejiyay iskuulladan ayaa waxay ka dhcday xarunta ay hay’adda DBG ku leedahay Muqdisho. Waxaana munaasabadda goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday waaxda waxbarashada Soomaaliya, ururro ka shaqeeya iskuullada iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka DBG.

Iskuullada ay dayactirtay hay’adda Daryeel BulshoGuud oo ku kala yaalla degmooyinka Hodan iyo Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxay kala yihiin:

1.   Iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Umul-Qura
2.   Iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Kaasa-bobolaare
3.   Iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Sheekh-Madar

Fasallada ay ka kooban yihiin iskuullada la dayactiray ayaa waxay ka kooban yihiin 20 galaas, kuwaasoo ay wax ku baran karaan 1800 oo arday, iyadoo la fariisin karo galaaskiiba 90-arday marka la isku daro gellinka hore iyo gellinka dambe.

Howsha dayactirka iskuulladan ayaa waxay billaabatay sida ay mas’uuliyiinta DBG sheegeen 31-kii bishii May ee sannadkan, iyadoo lasoo gabagabeeyay 31-kii bishii July ee sannadkan oo aanu kasoo gudbnay.

Guddoomiyaha Hay’adda DBG, Cumar Colaad Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay arkaan maanta howshii lagu dayactirayay iskuullada oo dhammaatay iyo in la qabto xaflad lagu wareejiyo.

“Iskuulladan waxaa wax ku baran doona 1800 oo arday Soomaaliyeed ah, waana arrin aad loogu farxo. Waxaana dhaqaalaha lagu dayactirka iskuulladan ayaa waxaa ku deeqay hay’ad Jarmal ah,” ayuu Cumar Colaad ka sheegay munaasabadda.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay madaxa dhismaha iyo howlaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Cabdi Xuseen Axmed, isagoo uga mahadceliyay hay’adda DBG inay dayactir ku sameyso iskuullo ay wax ku baran karaan 1800 oo arday Soomaaliyeed ah. Howshanna waa tusaale looga baahan yahay hay’adaha kale ee samafalka inay ku daydaan.

“Gobolka Banaadir waxaa ku yaalla 93 iskuul oo isugu jira kuwa hoose, kuwa dhexe iyo kuwa sare, waxaana jira kuwo badan oo u baahan in dayactirro lagu sameeyo si ay ardayda Soomaaliyeed wax ugu bartaan,” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Dhanka kale, C/raxmaan Xaashi Warsame oo ku hadlay magaca hay’adaha ka shaqeeya iskuullada ayaa uga mahadceliyay hay’adda DBG howsha ay ku dayactirtay iskuulladan. Isagoo intaas ku daray in DBG ay sameysay howl ay kaga dayan karaan hay’adaha kale ee samafalka.

Munaasabadda kaddib waxaa mas’uuliyiinta hay’adda DBG iyo dhammaan xubnihii kale ee munaasabadda goobjoogga ka ahaa ay booqdeen iskuulladii la dayactiray, iyadoo hay’adda Daryeel Bulsho Guud ay wareejisay furayaashii iskuulladaas.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/4/2013 6:27 PM EST
Isniin, August 5, 2013—Shirkii ka socday Magaalada Kampala ee ay lahaayeen waddama ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay shirkana laga soo soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 39 qodob, kaasi oo aan idiin soo koobnay qodobbadiisa.

8/4/2013 4:24 PM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan labaatmaeeyo qarax ayaa caawa siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo geystay khasaare inta la hubo dhaawacyo ah, waxaana qaraxyadn qaarkood lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

8/4/2013 4:06 PM EST
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa faahfaahin ka bixiyey mowqifkiisa ku aadan xisbiga HIIL QARAN iyo taariikhda Soomaaliya iyo Somaliland isaga oo jooga dalka Koofur Afrika

8/4/2013 2:59 PM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Shirkii madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa caawa fiidkii lagu soo gabgabeeyay magaalada Kamapla ee xarunta dalka Uganda, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

8/4/2013 2:40 PM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Guddi Salaadin ah oo isku xil saartay inay isku soo dhowaynayaan golaha wadatashiga iyo toosinta oo dhowaan Hargeysa lagaga dhowaaqay iyo xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in waanwaantii ay wadeen ay ku diideen golahaasi, isla markaana golahaasi sharci daro yahay.

8/4/2013 10:41 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kula kulmay Kampala madaxweynaha Kenya, madaxweanha Uganda, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka furmay Uganda.

8/4/2013 10:27 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ururkii burburay ee Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir, isagoo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

8/4/2013 10:07 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Xili siweyn guud ahaan muslimiinta ku dhaqan dunida gaar ahaan Soomaaliya u dyaar-garoobayaan munaasabada Ciiddul-fidriga oo maalmo kooban uu ka dhiman yihin, ayuu ugu baaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo in dadka wax heysta caawiyaan walaalahooda kale ee danyarta ah si ay uga qeyb-qaataan farxada maalinta Ciidda.

8/4/2013 10:02 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) - Qaar kamid ah hogaamiyayaasha muslimiinta dalka Kenya ayaa si cad u taageeray tallaabadii ay dawlada Britain ku mamnuucday qaadka oo lagu tilmaamay in amniga Britain uu wax u dhimayo.

8/4/2013 8:52 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Wariye Mascuud Cabdullaahi Aadan oo ahaa wakiil wareedkii Radio Dalsan ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta loo diiday inuu u safro magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo loogu waday in looga qalo dhabarka oo ay xabbadi uga jirto.

8/4/2013 8:52 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ururka horumarinta dhallinyarada ee SYP ayaa maanta ku qabtay Muqdisho dood-cilmiyeed ku qabatay looga hadlayay sida mashaa'ikhda Soomaaliyeed ay ugu hoggaamin lahaayeen dadka faham wanaagsan oo dhinaca diinta ah.

8/4/2013 7:29 AM EST
Axad, August 04, 2013(HOL) :- Xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dadka naafada ah ee ku nool dagmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa deeq lacageeed u qeybiyey Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Somali Disables Development Innitiative link(SODDIL)ee fadhigiisu uu yahay degmadaasi,xiili naafada ku dhaqan degmadaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ay ka cabanayaan xaalad nolol xumo iyo shaqo la,aan.

8/4/2013 6:51 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Xilli maalmo yar ay ka harsanyihiin munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa waxaa diyaargarow ku aadan munaasibaddaasi laga dareemayaa suuqyada waaweyn ee magaalada Kismaayo.

8/4/2013 3:28 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan looga hadlayay ammaanka la yeeshay wasiirro iyo taliyeyaasha ciidamada dowadda, isagoo xalay kormeer ku sameeya isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood.

8/4/2013 3:12 AM EST
Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan dheer la qaatay dhiiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyadoo kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Uganda ay kaga hadleen arrimo badan.